Daawo Sida Loo Diyaariyay Masraxa Xaflada Ballon d'Or Ee Caawa Iyo Qaban Qaabada Oo Socota.

0
Monday January 12, 2015 - 15:34:26 in by Burco Office
  • Visits: 987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sida Loo Diyaariyay Masraxa Xaflada Ballon d'Or Ee Caawa Iyo Qaban Qaabada Oo Socota.

    Qaban qaabada xaflada Ballon d'Or ayaa haatan ka socota magaalada Zurich ee dalka Switzerland iyadoo xiddigaha kubada cagta caalamka ay ka soo kala safrayaan daafaaha dunida islamarkaana ay imaanayaan magaalada qurxoon ee dalka Switzerland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaban qaabada xaflada Ballon d'Or ayaa haatan ka socota magaalada Zurich ee dalka Switzerland iyadoo xiddigaha kubada cagta caalamka ay ka soo kala safrayaan daafaaha dunida islamarkaana ay imaanayaan magaalada qurxoon ee dalka Switzerland.

2505054_XLARGE-LND



Neuer iyo Robben ayaa diyaarad qaas ah u qaatay Zurich.

Inkastoo xaflada aysan si toos ah u bilaaban doonin ilaa 8:30pm saacada Geeska Afrika hadana seddexda xiddig ee u sharaxan abaalmarinta FIFA Ballon d’Or ee Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Manuel Neuer ayaa shir jaraa’id qaban doona 3:30pm Saacada Geeska Afrika si la mid ah seddexda macalin ee uga sharaxan macalinka sannadka adduunka.

Waxaa la sii diyaariyay masraxa xaflada caawa lagu qabanayo iyadoo sidoo kale la bixin doono abaalmarinta goolka ugu fiican sannadka iyo shaxda ugu fiican sannadka 2014.

Madaxweynaha Barcelona Bartomeu ayaan soo xaadiri doonin xafladaan madaama ay Barca xiriirka ilaa iyo xad u jartay FIFA madaama ganaax laga saaray cunqabateynta suuqa kala iibsiga ciyaaraha
contact@afkashacbka.com