MADAXWEYNE SIILAANYO OO SAAKA KA BAAQDAY SAFAR UU KU TAGI LAHAA JIDKA DAWGA CAD EE WAQOOYIGA HARGEYSA

0
Monday January 12, 2015 - 15:46:01 in by Ankara Turkey
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE SIILAANYO OO SAAKA KA BAAQDAY SAFAR UU KU TAGI LAHAA JIDKA DAWGA CAD EE WAQOOYIGA HARGEYSA

    Berbera(afkashacabka.com) Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka baaqday safar uu u xadhiga kaga jari lahaa oo uu ku tagi lahaa Jidka Dawga-cad ee waqooyiga Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera(afkashacabka.com) Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka baaqday safar uu u xadhiga kaga jari lahaa oo uu ku tagi lahaa Jidka Dawga-cad ee waqooyiga Hargeysa.
Lama oga sababta rasmiga ah ee baaqashada Madaxweynaha hase yeeshee ilo wareedyo SHabakada Afkashacabka.com heshay ayaa sheegaya in ay la xidhiidho khilaaf u dhaxeeya dadka deegaanka oo la sheegay in ay isku rasaaseeyeen deegaankaasi.

Warku waxa uu sheegayaa in madax dhaqameedka deegaanka Waqooyiga Hargeysa u baxeen si ay u soo xaliyaan shaqaaqada keentay is-maandhaafka ka taagan deegaanka Ceel sheikh oo ay dadka deegaanka

qaarkood doonayaan inay Gobolka Maroodi Jeex hoos geeyaan, halka kuwa kale na ku doodayaan inay ka tirsan tahay deegaankaa saaxil oo degmada Bulaxaar oo ka tirsan gobolka saaxil .ceel sheekhna u jirto 16 km .halkan Gobolka madoodi jeex u jirto 106 km waxaana sumadaha kiilo mitirkaa cadaynaaya Kaabada Asaarta ah ee dawladii ingriisku dhigta

Khilaafka dadka deegaanka oo in muddo ah soo taxnaa ayaan wax talaabo ah laga qaadin, waxaanu gaadhay heer gacan ka hadal ah, kaasoo sababay in Madaxweynuhu ka baaqdo booqashada uu ku tagi lahaa Jidka Dawga-cad.

arinta khilaafka degaanka ceelsheekh ee lagu damacsan yahay in lagu hoos geeyo maroodi jeex ayaa waxa dabada ka riixaya siyaasiyiin miisan culus ku hel xukumada somaliland iyo ganacsato ka soo jeeda gobolka maroodi jeex . masuuliyinta ayaa ilaa iminka inta la hubo waxa ka mid ah

wasiirka wasaarada waxbarshada marwo samsam cabdi aadan

mareeyaha tv qaran somaliland khadar cali gaas

maayirka caasmida hargaysa c/raxmaan solteco

Mulkiilaha Hotelada Masoor c/qaadir xaashi cilmi

waana raga maanta doonay inay madaxwaynaha somaliland shirqoolka galiyaan oo dhulka muran ka taagan yahay lahaa waa loogu qado samaynayaa madaxwayana .ka dibna si fudud u yidhahdaan madaxwayne degaanka adigu raaci maroodi jeex .taasna waa arin ka fashilantay


Dhismaha Jidka Dawga-cad ayaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka soo jeeda deegaanka, waxaanay ku guulaysteen inay dhisaan inta badan jidkaasi oo buuralay ah, waxaana gacan dhaqaale ka geystay dadka Qurbajooga ah, halka Xoog iyo Xoolaba ay ku tabaruceen dad badan oo ka soo jeeda deegaanku.

Qorshaha baaqday ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa ahaa sidii ay xukuumaddu gacan uga gaysan lahayd Jidkaasi maadaama qorshaha xukuumaddu u dajisay uu ahaa inay kala badh bixiso kolba wixii dadka deegaanku ka qabtaan jidadka ay dhisanayaan.