Nin Uu Dhashay Maraykanka Oo Ku Guulaysatay Haaf Milyan Dollar Ka Dibna Ku Khaasaray Khad Qoraal Oo Ku Dhacay

0
Monday January 12, 2015 - 23:33:52 in by salman abdi
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Uu Dhashay Maraykanka Oo Ku Guulaysatay Haaf Milyan Dollar Ka Dibna Ku Khaasaray Khad Qoraal Oo Ku Dhacay

    Nin u dhashay dalkaasi Maraykanka ayaa ku guulaystay lacag dhan haaf Million dollar,isaga oo ku helay lacagtaasi bakh tiyaa nasiib uu galay, waxaanu muddo sugaayey natiijada kasoo bixi doonta bakhtiyaanasiibkaasi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin u dhashay dalkaasi Maraykanka ayaa ku guulaystay lacag dhan haaf Million dollar,isaga oo ku helay lacagtaasi bakh tiyaa nasiib uu galay, waxaanu muddo sugaayey natiijada kasoo bixi doonta bakhtiyaanasiibkaasi,

ugu dambayntiina waxa lagu dhawaaqay guusha nasiibkaasi, isaga oo muddo saacado ah kaga mid noqday tijaarta caalamka.

Ninkan oo lagu magcaabo John Innes ayaa ku guulaystay lacag dhan 250,000 oo dollar ka Maraykanka ah, waana nin ka fadhiistay shaqada waqtigan, isaga oo ka shaqayn jiray meel Batroolka lagu safeeyo oo ku taalada New Mexico.

Farxad iyo dabaal deg dheer ka dib ,waxa si fudud albaabka ugu soo garaacay niman ka socday baankii uu jeega kasoo qaatay, kuwaas oo u sheegay inuu soo qaatay waraaqo daabacaad ahaan u khaldamay, sidoo kalena waxay intaasi u raaciyeen in aanu isaga ahayn cida ku guulaystay lacagtani ee uu khalad madbici ahi dhacay.

Ninkan ayaa aad u naxay markii loo sheegay in waxa uu sitaa yahay wax soo khaldamay,waxaana markeliyaata is bedelay jawigii farxadeed ee uu ku jiray, kaas oo isu bedelay wax lama filaan ah,sidaasna waxa lagu sheegay warbixin lagu qoray wakaalada lagu magcaabo UPI.

Waxa warbixintaasi lagu sheegay in ninkaasi markii la xidhiidhay xaruntii bakhtiyaa nasiibka, kuwaas oo soo siiyey email, waxaana la hubiyey kaadhkii usoo baxay,kaas oo la ogaadey ugu dambayntiina inuu si khalad ah kaadhkani usoo baxay, qofkanina aanu ahayn kii gulaystay.

 




Contact@afkashacabka.com