Cristiano Ronaldo Oo Markiisii Saddexaad Ku Guulaysatay Ballon d'Or-ka, Muxuuse Ka Yidhi Guusha Uu Gaadhay? Daawo Sawiro

0
Tuesday January 13, 2015 - 10:56:01 in by Burco Office
  • Visits: 1700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Markiisii Saddexaad Ku Guulaysatay Ballon d'Or-ka, Muxuuse Ka Yidhi Guusha Uu Gaadhay? Daawo Sawiro

    waxaa la soo gabagabeeyay xafalada lagu shaacinayay xidiga aduunka ugu fiican isla markaana ku guulaystay abaal marinta shaqsiga ah ee Ballon d"Or. Cristiano Ronaldo ayaana markiisii saddexaad ku guulaystay abaal marinta FIFA BALLON D"OR 20

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa la soo gabagabeeyay xafalada lagu shaacinayay xidiga aduunka ugu fiican isla markaana ku guulaystay abaal marinta shaqsiga ah ee Ballon d"Or. Cristiano Ronaldo ayaana markiisii saddexaad ku guulaystay abaal marinta FIFA BALLON D"OR 2014.


ronaldo balon

Ronaldoo

Cristiano Ronaldo ayuu sanadkii 2014 u ahaa sanadkii noloshiisa ugu fiicanaa,wuxuuna ku jiray waqtigii waayihiisa ciyaareed ugu fiicnaa.Ronaldo oo kooxdiisa Real Madrid u horseeday koobka Champions Leaquega, Cop Del Rey, UEfa Super Cup iyo koobka kooxaha aduunka ayaa abaalmarinta sanadka 2014 kaga adkaatay Messi iyo Neuer oo kula tartamayay.ronaldo1

Ronaldo  ayaa difaacday abaal marintii Ballon d’or ee uu sanadkii 2013 qaaday, wuxuuna sidaa ku helay abaal marintiisii Ballon D’or ee saddexaad, isaga oo wali hal abaal marin oo Ballon D’or ah ka danbeeya Lionel Messi.

Ronlado oo markii abaal marinta la guudosiiyay dareenkiisa ka hadlay ayaa yidhi: "Waxaan arkaa hooyaday iyo qoyskayga. Waxaan jecelahay inaan halkan ugu mahad celiyo dadkii aniga ii codeyay,tababarahayga, saaxiibada aanu isku kooxda nahay iyo madax waynaha kooxdayda”.ronaldo2

Thierry Henry ayaana Ronaldo gudoonsiiyay abaal maritna Ballon D’or, wuxuna isaga oo hadalkiisa sii wata Ronaldo yidhi: "Wuxuu sanadkii 2014 ahaa mid aan la ilaawi karin, inaan ku guulaysto abaal marin noocan oo kale ahi waa wax khaas ah, kaliya waxaan odhan karaa inaan doonayo sidii aan u sii wadan lahaa shaqada aan haddaba soo qabtay,iyo inaan koobab badan ku guulaysto, kuwaas oo iskugu jira kuwo kooxda ah iyo kuwo shaqsi ah labaadaba”

.ronaldo2

"Waxaan doonayaa inaan maalinba maalinta ka danbaysa ka sii fiicnaado, waxaan doonayaa inaan dhamaan ree Portugal u sheego in aanan waligay filayn in aan saddex jeer ku guulaysan doono Ballon D’or.Dabcan taasi waa mid aniga ila socota, waxaan doonayaa inaan noqodo mid ka mid ah ciyaartoyda adib ugu fiicnayd, dhamaantiin waad mahadsan tihiiballonn

Ronaldo ayaa rekoodh cusub ku dhigay gool dhalinta Champions Leaque ee sanadkii 2014,isaga oo hal xili ciyaareed ka dhaliyay 17 gool.Ronaldo ayaana codkii la bixiyay helay boqolkiiba 37.66%.

Ronaldo ayaa noqday ciyaartoygii todobaad ee difaacda abaal marinta Ballon D”or, waxaana ugu horeeyay oo abaal maritna iyada oo markii hore ku guulaystay difaacday ragga kala ah Johan Cruyff, Kevin Keegan, Karl-Heinz Rummenigge, Michel Platini, Marco van Basten iyo Messi. Laakiin Lionel Messi ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee afar sanadood oo xidhiidh ah ku guulaystay.

Ronlado ayaa abaalmarintii ugu horaysay ee Ballon D’or ah ku guulaystay sanadkii 2008, markaas oo uu Man United ka tirsanaa, wuxuuna ka qaaday Lionel Messi kaas oo isaguna ku guulaystay sanadihii 2009,2010,2011 iyo 2012 taas oo keentay inuu Ronlado ka soo qayb gali waayo xafladaha abaal marinta Ballon d’or.

Kadib ayuu Ronaldo dib u soo rogaal celiyay sanadkii 2013, wuxuuna ka qaaday Ribery iyo Messi halka uu hadda sidoo kale ka qaaday Messi iyo Neuer, waa markii sideedaad ee Lionel Messi uu yimaado saddexda ciyaartoy ee iskugu soo hadha Ballon d’Or.Messi,Neuer and ronaldo

cabdirisaaq cabdilaahi aadan

Burco/Office

koronto935@gmail.com