Mourinho Oo Ku Qeyliyay Garsoore Phil Dowd: Waad Cayilan Tahay Garsoore Ma Noqon Kartid.

0
Tuesday January 13, 2015 - 15:49:04 in by Burco Office
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho Oo Ku Qeyliyay Garsoore Phil Dowd: Waad Cayilan Tahay Garsoore Ma Noqon Kartid.

    Jose Mourinho ayaa weerar culus ku qaaday garsoore Phil Dowd isagoo ku qeyliyay: "Waad cayilan tahay garsoore ma noqon kartid"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa weerar culus ku qaaday garsoore Phil Dowd isagoo ku qeyliyay: "Waad cayilan tahay garsoore ma noqon kartid"


Dad goob joogayaal u ahaa dhacdadaan oo ka dhacday agagaarka qolalka labiska ee garoonka kooxda Tottenham ayaa sheegay in Mourinho uu carro darteed is ilaaway islamarkaana uu si carro leh ugu qeyliyay garsoore Dowd ka dib kulankii ay guuldarada soo gaartay Chelsea maalintii sannadka cusub.

Mourinho ayaana tan iyo markaas waxaa dacwad ku soo oogtay xiriirka kubada cagta ka dib markii uu sheegay inuu jiro olole looga soo horjeedo Chelsea ka dib markii ay barbaro la galeen Southampton seddex maalin ka hor.

Laakiin caradii uu kala duldhacay Dowd ayaa su’aal gelisay miisaanka garsooraha isagoo ku qeyliyay: "Aad ayaad u cayilan tahay oo garsoore ma noqon kartid, waa inaad isaga fariisato shaqadaan”

Waxa uu ka dib hadalkiisa raaciyay: "Adigaa u sabab ah guuldaradaan.

Waxaan dhacdadaan goob joogayaal u ah dad badan taasoo keentay in maanta si weyn loogu soo qaato wargeysyada Ingariiska intooda badan.

contactt@afkashacabka.com