Xildhibaan Indho indho oo si kulul u weerary IGAD iyo Dawladda Somalia, Soona jeediyey in La laalo Wadahadalka Somaliland iyo Somalia

0
Tuesday January 13, 2015 - 19:11:26 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Indho indho oo si kulul u weerary IGAD iyo Dawladda Somalia, Soona jeediyey in La laalo Wadahadalka Somaliland iyo Somalia

    Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) ayaa sheegay in Wada hadalkii La doonayay in Laga Wada hadlo ee dhinaca Masiiriga ahaa Loo Badalo Bad iyo Hawooyiin Aan Macno Badan ku fadhiyin Sida uu sheegay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) ayaa sheegay in Wada hadalkii La doonayay in Laga Wada hadlo ee dhinaca Masiiriga ahaa Loo Badalo Bad iyo Hawooyiin Aan Macno Badan ku fadhiyin Sida uu sheegay.

"IGAD in ay somaliland iyo Somaliya dhex aanay u noqonayn Cid waliba way Ogayd,waayo Nimankan IGAD Layidhaa waxa ay u shaqo tageen Oo Ciidamadoodi joogaan Dalka Somaliya Oo Baa-baday ee layidhaa Xamar, Markaas Nimanka IGAD u shaqo tagay ee aan Somaliland usoo shaqo tagin in ay u xaqsooraan Waa habeen Xalay Tagay, aduunka oo dhana Lacagta ayay kaga Gurtaan Shanta inan Ee la baxay IGAD,Somaliland Cidna Kama Yimadaan Nimankaas la Baxay IGAD ciidana Kama joogaan." ayu yidhi xildhibanku

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho Oo Ka tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida somaliland Ahna Guddoomiyaha Gudida Arimaha Bulshada somaliland Oo Hadalkiisa Siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.

"Somaliyana Haday Maanta Nabadi ka dhacdo anigu Garan Maayo Meel ay ka shaqayn Doonaan Kuwan la baxay igad mana ogola Qaranimada iyo Jiritaanka Jamuuriyada somaliland,waxaana ay Cadaadis Markasta saraan qaranimada.

Dhinaca kale wada hadalka u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya ayaa waxa uu soo jeediyay Xildhibaanku in Gabi ahaanba lalaalo waxaana uu yidhi.

"Caalamku waxa uu yidhi waxaad uwada hadashaan si Laba dawladood Ah uwada hadla,waxaanad kawada hadashaan ayaa uu yidhi masiirkiina Iyo Sidii Labada Dawladood ugawada hadli lahayeen sidii ay ugu wada noolaan Lahayeen Jaar wanaag,Anigu magaranayo waxaanu kuwada hadli Doono,Wixii layidhi kawada hadla lagama Hadlo ee wax laga hadlaa hawo,Bad kaluun iyo waxaan loo jeedin.

waxa uu sheegay Xildhibaanku Laga wada hadlo Arintii Madaxwaynaha Jabuuti yidhi ku dhiirada ee la xidhiidha sidii Loo Kala Guran Lagaa waxaana uu yidhi.

"waxaanan anigu Odhan lahaa Shirkii Ka dhacay Maalintii dhawayd Dalka Jabuuti ee uu yidhi Madaxwaynaha Jabuuti kawada Hadla Sidii loo Kala Guran Lahaa,anigu ka xildhibaan waxaan Soo jeedin Lahaa Wada hadalkan Aan midha Dhalayn ee ku uruuray Hawo iyo Bada in iska Tanaasul,Hadii kale si wanaagsan Looga wada hadlo Arimaha Ku xidhan sidii loo Kala Go’I Lahaa." ayu yidhi



Contact@afkashacabka.com