Bulshooyinka Baylahsan (Q1aad) - WQ:Khadar muxumed muuse (koodh)

0
Wednesday January 14, 2015 - 09:27:02 in by salman abdi
  • Visits: 1366
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bulshooyinka Baylahsan (Q1aad) - WQ:Khadar muxumed muuse (koodh)

    Maanta waxaan qalinka u qaatay arrin masgax-deyda raadweyn kuyeelaatay maal-mahan dambe oo aan ka gam'i waayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waxaan qalinka u qaatay arrin masgax-deyda raadweyn kuyeelaatay maal-mahan dambe oo aan ka gam'i waayay

Boholyowga garashada

Iyo baaqa hirashada

Allahayoow badbaadada

Iyo baydhka xilashada

Ha ku xidhin intii baas

Bakhti-yahan xalaal neceb

Iyo booli-quutaha

Damac lagu balleysimay

Maxamed ibraahim warsame "Hadraawi”

Maanta waxaan qalinka u qaatay arrin masgax-deyda raadweyn kuyeelaatay maal-mahan dambe oo aan ka gam'i waayay arintaasi oo keentay in aan ka aamusi  waayo oo aan qalinka u qaato, maxaa yeelay waxaan filayaa in qofkasta oo damiir lihi aanu ka aamuseen oo uu ka hadli lahaa.

Waa arrin uurku taallo kugu reebaysa marka ay indhahaagu qabtaan waa arrin loo baahnaa  inay ka hadlaan culimadda, siyaasiyiinta,ganacsatada,salaadiinta iyo cidkasta oo u fikiraysa sida wanaagsan ee saaxibul caqliga ah.

Waxba yaanan hadalka idinku dheerayne aan idiin kala baxo dulucda qormadani iyo bayaaminteeda,sidaynu wada ognahay waxaynu ku jirnaa wakhtigii dhaxanta waxaana habeennadii ugu dambeeyay dhacaysay dhaxan aad u ba’an oo saameyn  togan ku yeelatay dhammaan bulshada reer somaliland ee ku nool dalka waxaanay in dhahaygu qabanayeen dadka ku nool caasimadda oo xidhan koodhadh iyo funaanado waaweyn oo ka celiya dhaxanta aadka u daran ee ka dhacaysay caasimadda iyo gobolada dalka guud ahaan.

 

 

 

sidoo kale waxay ishaydu qabanaysay dadka inta badan wata baabuurta ay gaarka u leeyihiin oo intooda badan muraayaduhu u dalacan yihiin iyo basaska dadweynuhu raacaan  oo qofkii soo koraaba daaqadaha tiigsanaayo oo uu dalacaayay ama xidhaayay dhaxan awgeed.

Laakiin nasiib darro waxaa jira dad iyagu guud ahaanba ka duwan dadkaas aan soo sheegnay, waxa jira dad aan koodhadh iyo funaanado waaweyn  oo  dhaxanta kaceliaya aan xidhneyn oo feedho qaawanaan ku maraayay dhaxanta iyo duufaanta qabaw ee habeen oo dhan dhaacaysa.

Waa dad aan gaadiid raacaynin

Waa dad uu hoy u yahay dooxa weyn ee hargaysi

Waa dad hugoodu yahay kartoomada  iyo bacaha daadsan suuqyadeenna

Waa dad aan helin cid cunto siisa

Waa dad aan helin cid daryeesha

Waa dad markaad aragto  xaaladooda  nololeed aad quluubta ka ooyayso

Waa dad dhibaatada hooyo iyo aabo la’aanta ay u dheeryihiin duruufaha noloshooda ku gedaaman.

Waxay wehel u yihiin:

Hoy la’aanta

Huy la’aanta

Dhaxanta

Gaajada

Cabsida

Caafimaad darrada

Dil joogto ah.

Daryeel la’aanta dhinac kasta oo nolosha ah

Waa dad aan haysan guud ahaanba baahiyihii aasaasiga ahaa ee nolosha

Waa dad aan helin xaqa iyo xuquuqda ay helaan caruurta dhigooda ahi

Waa dad aan helin xaqa iyo xuquuqda ay ku leeyihiin dalkooda iyo dawladdooda

Hadday noqoto:

Hoyga

Dhuuniga

Huga

Caafimaadka

Waxbarashada

iwm.

Aan idiin bayaanshee waa caruurta Darbi jiifka ah  ee kusoo badanaaya suuq-yadeenna waaweyn ee dalka caruurtaasi oo ku tabaalaysan dalkeenna kuwaasi oo  aan haysanin cid daryeesha oo door muhiima ka qaadata dayac tirka noloshooda.

Akhriste haddii aad u fiirsato dadkaasi waxaad arkaysaa qaar kamida oo bixinaaya dhawaaq aad u dheer oo dhaxantu ka keentay, sidoo kale qaar kamida oo dhaxanta markay u ad keysan waayaan oohin miciin sanaaya oo cid u jawaabtaana aanay jirin.

"Cidina uma maqna, ceelna u qodna”

Qaar kale waxay dhaxantu kulaysay dooxa weyn ee Hargeisa, sida marar badan dhacday  in goor subax-nimo ah meydkooda loogu yimaaddo dooxa weyn ee hargeisa.

Akhriste waxaan isku deyaynaa inaan dhawr qaybood u kala qaadno dadka darbi jiifka ah  ee aan soo sheegnay……



Lasoco…………….. Q:2aad


Qalinkii: Khadar muxumed muuse (koodh)

Khadar_dagane@hotmail.com

Hargeisa, Somaliland