Dallada Wacyigelinta iyo isku xidhka dhalinyarada Somaliland ee SYNA oo Burco ka bilowday Olole loogu magac daray Ololaha wacyigelinta Tahriibta iyo qabyaaladda+Sawiro badan

0
Friday March 21, 2014 - 12:26:22 in by salman abdi
  • Visits: 1709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dallada Wacyigelinta iyo isku xidhka dhalinyarada Somaliland ee SYNA oo Burco ka bilowday Olole loogu magac daray Ololaha wacyigelinta Tahriibta iyo qabyaaladda+Sawiro badan

    Dallada Wacyigelinta iyo isku xidhka dhalinyarada Somaliland ee SYNA oo Burco ka bilowday Olole loogu magac daray Ololaha wacyigelinta Tahriibta iyo qabyaaladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dallada Wacyigelinta iyo isku xidhka dhalinyarada Somaliland ee SYNA oo Burco ka bilowday Olole loogu magac daray Ololaha wacyigelinta Tahriibta iyo qabyaaladda


Munasibaddan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirkuxigenka qorshaynta qaranka Xasan Dahir Dhinbiil, Xildhiban Axmed yasin sh.cali ayanle oo ka mid ah golaha wakiilada, xildhibanada golaha deganka burco, oo ay ka mid yihin xildhiban cabdilaki, xildhiban mubarik bidhi iyo xildhiban cabdirisaq aar, Maamulaha Madaarka Burco C/risaq Siciid iyo Masuliyiinta Dallada Wacyigelinta iyo isku xidhka dhalinyarada Somaliland ee SYNA.

Ugu horeyn waxa munasibadda lagu soo bandhigay Barnaamij wacyigelineed ay samaysay Dallada SYNA oo lagag hadlayey Tahriibta iyo qabyaaladda, kaasoo si mug leh uga warramayey aafooyinka dhalinyarada haysta iyo doorka ay labadaasi ku leeyihin horumar la’anta dhalinyarada.

Barnaamijkan oo si muuqaal dadka uu ugu soo bandhigay Eng Mahbub Husein ismail ayaa si waafiya loogu sharaxay khasaaraha iyo xumaanta ay leeyihiin Tahriibta iyo qabyaaladdu, waxayna tusaalayaal u soo qaateen in aanay labaduba lahayn natiijooyin guulo soo hoyn kara.

Intaas kadib waxa munasibadda ka hadlay Guddomiyaha Dallada SYNA Mustafe Osmana Abdirahman oo sharraxaad ka bixiyey maraaxilkii ay dalladu soo martay, caqabadaha dhalinyarada hor taagan, iyo weliba doorka dallada SYNA ka qaadato wacyigelinta Bulshada gaar ahaan dhalinyarada ku foogan Tahriibta iyo qabyaaladda ee ay sababta u tahay dayaca dalladihi iyo ururadii dhalinyarada qaabilsanaa horseedeen dhalinyarada.

Guddomiyuhu wuxu sheegay in magaca dhalinyarada kooxo gaar ahi ku qadhaabtaan, balse dhalinyarada Somaliland oo ah bulshada ugu badan dalka aanay jirin meel ay isugu timi oo ay ku doorteen cid metesha dhalinyarada qaranka oo dhan, wuxu sido kale tilmaamay in xaaladii hore dhalinyaradu ka gudubtay, isla markaasna aqoontii dhalinyaradu korodhay, iskana fahmayaan dabin kasta oo loo dhigo.

Maamulaha Madaarka Burco C/risaaq Siciid ,Xildhiban Cabdi Laki xasan nur, Xildhiban Mubarik Bidhi iyo Xildhiban Cabdirisaq Aar oo ka mid ah golaha degaanka burco ayaa iyaguna dhinacooda sheegay in dhalinyartu u baahantahay wacyigelin badan iyago xusay inay ka tirsanaayeen SYNA isla markaasna sidii ugu tirsanaanayaan kana shaqaynayan dhinacooda wacyigelintii dhalinyarada, si dhalinyarada dalku u badbaado.

Xildhiban Cabdirisaq Aar ayaa si gaar ah u duray dallada SONYO iyo xeerar la sheegay inay u samaynayso sanduuqa horumarinta dhalinyarada ee dhowaan madaxweynuhu qaadhaankii xukumadda ee ugu horeeyey uuu ku ridey, waxanu xildhibanku sheegay inaan xeerkaasi ahayn mid dhalinyaradu u simantahay ee uu yahay mid dallada sonyo iyo dhowrka qof ee horjooga ku kooban, waxanu dhalinyarada Somaliland ugu baaqay inay karaamadooda iyo sharaftooda doonaan, oo ka shaqeeyaan midnimadooda iyo isku xidhkooda, iskana illaawan dallada SONYO ee ku shaqaysata magaca dhalinyarada baaxadda leh ee qaranka Somaliland.

Wasiirkuxigenka Qorshaynta qaranka JSL Xasan Dahir Dhinbiil iyo Xildhiban Axmed yaasin oo ka mid ahaa weftiga madaxweynaha oo munasibaddan ka hadlay ayaa si weyn ula dardaarmay dhalinyaradi madasha soo camirtay iyo guud ahaanba dhalinyarada Somaliland waxayna ku waaniyen inay ku dedaalanisku duubnidooda kana fogaadaan tahriibka oo dalkooda aaminaan, waxay tusalaayaal badan uu soo qaateen waxyaabo dalka Somaliland qani kuyahay oo anay dhalinyaradu arkayn, iyagoo dhalinyarda u sheegay iin aqoonta ay barteen uga faaideeyaan qarankooda oo iyagu shaqo abuur sameeyaan balse aanay cid ka sugin, waxay wasiirkaiyo xildhibanku SYNA u ballanqaadeen inay la shaqaynayaan, wax kasta oo dhalinyarta horumarkeeda iyo wacyigelinteeda ahna ka caawinayaan.

Dallada SYNA oo ka faaidaysanaysa kacdoonka dhalinyarada Somaliland ay ku kaceen dalladii SONYO ayaa olole balladhan xalay bilowday kaasoo ay sheegtay inu soconayo sannadkan oo dhan isla markaasna gobolada iyo degmooyinkaba lagu fidinayo, waxay kaloo xuseen in ay arkeen baahi dhalinyaradu u qabto cid midaysa oo isu keenta, isla markaasna ay iyagu noqon doonaan dalladii midayn lahayd dhalinyarada JSL ee la wada yeelan lahaa.




Afkashacabka.com

Burco/Office

Contact@afkashacabka.com


Hoos Ka Daawo Sawiro Badan