Magaalo Ka Tirsan Dalka Itoobiya Oo Laga Laga Mamnuucay Cabida Sigaarka

0
Thursday January 15, 2015 - 22:37:13 in by Burco Office
  • Visits: 1612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Magaalo Ka Tirsan Dalka Itoobiya Oo Laga Laga Mamnuucay Cabida Sigaarka

    Magaalo Ku Taal Waqooyiga Dalka Itoobiya Ayaa Laga Mamnuucay In Sigaarka Lagu Cabo Goobaha Dadweynuhu Isugu Yimaado.Xarunta Dowlad Deegaanka Tigraay Ee Makele Ayaa Laga Soo Saaray Sharci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalo Ku Taal Waqooyiga Dalka Itoobiya Ayaa Laga Mamnuucay In Sigaarka Lagu Cabo Goobaha Dadweynuhu Isugu Yimaado.Xarunta Dowlad Deegaanka Tigraay Ee Makele Ayaa Laga Soo Saaray Sharci
  • Cusub Oo Mamnuucaya In Sigaar Lagu Cabo Goobaha Bulshadu Isugu Timaado Sida Baaraka,Hoteelada,Iskuulada,Isbitaalada,Garoomada Kubada Lagu Ciyaaro Iyo Goobaha Munaasabadaha Diiniga Ah Ka Socdaan

    Waxaa Sidoo Kale Sharcigan Mamnuucayaa In La Xayaysiiyo Sigaarka.Hadii Sharcigan Loo Hogaansami Waayo Waxaa Qofka Jabiya Sharcigan Lagu Ganaaxayaa Lacag Dhan 50 Doolar Halka Milkiilayaasha Goobahaas Lagu Ganaaxi Doono 150 Doolar.

    Waa Ganaax Aad Ubadan Marka Loo Eego Mushaarka Ay Qaataan Shaqaalaha Caadiga Ah Ee Itoobiya Oo Ka Yar 40 Doolar Bishii.

    Baarlamaanka Itoobiya Ayaa Sanadkii La Soo Dhaafay U Codeeyay In Cabida Sigaarka Laga Mamnuuco Goobaha Bulshadu Isugu Timaado Inkastoo Sharcigaan Uusan Dhaqan Gelin.

    Sida Ku Qoran Kaydka Hay’ada Caafimaadka Aduunka Ee  WHO Tobankii Dhalinyaro Ee Itoobiyaan Ah Mid Baa Sigaarka Cabba.

    Magaalada Makele Oo Ah Xarunta Qoomiyada Tigraay Ayaa Noqotay Magaaladii Ugu Horaysay Dalka Itoobiya Ee Mamnuucada Sigaarka.

  • contact@afkashacabka.com