Madaxweyne Siilaanyo Oo Caawa U Hoyday Magaalada Wajaale

0
Friday January 16, 2015 - 10:07:57 in by Burco Office
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Caawa U Hoyday Magaalada Wajaale

    Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),iyo wafti kamid ah Golaha Xukuumada ayaa caawa kusoo hoydey Degmada Tog-Wajaale ee kutaala Xuduuda udhexeysa Somaliland iyo Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),iyo wafti kamid ah Golaha Xukuumada ayaa caawa kusoo hoydey Degmada Tog-Wajaale ee kutaala Xuduuda udhexeysa Somaliland iyo Itoobiya.


Waftiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland oo kasoo laabtet Gobolka Awdal,kadib markii uu kormeer ku gaadhay halkaasi ayaa, caweysinkii caawa lagu soo dhaweeyay Degmada Tog-Wajaale oo uu ku hoydey Huteel Weyn oo kamid ah huteelada Cusub ee laga dhawaan laga furey Magaala Ganaacsiyeeda Tog-Wajaale iyadoo gogolxaadhkiisa siweyn looga dareemayay Maanta Tog-Wajaale kadib markii ay kasoo hormareen Madaxweynaha iyo Waftiga uu horkacayo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale,iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Muuse Qaasim Aw Cumar, waxaana lagu wadaa in Madaxweynuhu Maalinta Jimcaha Bari ah uu Mashaariic u dhagax dhigi doono Degmada Tog-Wajaale



halka uu Degmada Alleybadeyna xadhiga ka jari doono, Dhismaha Guriga Weyn ee Martida oo halkaa dhawaan laga bineeyay,Sidoo kalena waxa lagu wadaa in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), iyo waftiga uu hogaaminayaa, ay uga gudbi doonaan Degmada Alleybadey dhinaca Degmada Faraweyne,Ballicabane,iyo Xarunta Gobolka Hawd ee Degmada Balligubadle.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa, barqadii Saaka xadhiga ka jarey Dhismaha Qeybo kamid ah Gabyanka Dooxa Arabsiyo,oo dhinaca Dooxa ay dhawaan Hay,ada Wadooyinku ka samaysay Biraha Ciida kexeeya inkastoo Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax oo carabka ku dhuftey in Madaxweyne Siilaanyo,yahay Madaxweynihii u horeeyay oo Mashruuc laba jeer xadhiga ka jara Degamada Arabsiyo Dadweynaha Reer Arabsiyo ayaa, soo dhaweeyay dhinacooda Mashruucan,gabyanka iyo dhibaatada Bataaxu ku hayo,marka daadadku soo rogmadaan.
 contatc@afkashacabka.com