Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Ku Hawlan Hoos u dhigidda Qiimaha Sarifka Doollarka Oo Cirka Isku Shareeray maalmihii u danbeeyey+SAWIRO

0
Friday March 21, 2014 - 14:17:35 in by Super Admin
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Ku Hawlan Hoos u dhigidda Qiimaha Sarifka Doollarka Oo Cirka Isku Shareeray maalmihii u danbeeyey+SAWIRO

    Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Ku Hawlan Hoos u dhigidda Qiimaha Sarifka Doollarka Oo Cirka Isku Shareeray maalmihii u danbeeyey+SAWIRO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Ku Hawlan Hoos u dhigidda Qiimaha Sarifka Doollarka Oo Cirka Isku Shareeray maalmihii u danbeeyey+SAWIRO

Maamulka Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa kormeer u kuurgal ah ku soo maray suuqa sarifka ee ugu weyn magaaladda Hargeysa, ballana ku qaaday inay ka hawlgeli doonaan sidii meesha looga saari lahaa is bed-bedelka iyo baaxa dega ku yimaadda qiimaha Sarifka doolarka ee dalka oo muddooyinkii u dambeyey kor u kac weyni uu ku yimid, haddase Baanka dhexe hoos u dhigay, kana dhigay Toddoba boqol oo kun oo Somaliland ah 700.000 SL Shili ah, halka uu markii hore ka ahaa boqolka dollar ka ahaa 716,000 shilin.

Guddoomiyaha Baanka Hargeysa, Md. Cabdi Dirir Cabdi iyo Agaasimaha Guud ee Baanka Cabdilaahi Xasan, ayaa kormeerkoodaasi wada jirka ahaa ku soo maray Sariflayaasha magaaladda Hargeysa,waxaana kormeerkoodaasi uu salka ku hayey kor u kac ku yimid qiimaha sarifka oo Cirka isku shareeray toddobaadyadii u dambeeyey, taasi oo ay u kuurgal iyo hoos u dhigga Sicir bararka Doollar-ka halkaasi ku tegeen, isla markaana Baanka dhexe ee Somaliland uu suuqa si qiimaha doolarka ee kordhay wax looga qabto uu doolar badan galiyeen, si kor u kaca qiimaha doollarka loola dagaalamo.

 

 

Guddoomiyaha Baanka Hargeysa Cabdi Dirir Cabdi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi "Waa waajibaad annaga na saaran sidii aanu hoos ugu dhigi lahayn kor u kaca iyo Sicir bararka Qiimaha doolar-ka ee dalkeenu waayo, waxa aynu og nahay in marka doollarku kaco Maceeshaduna kacdo, Doolar-kuna runtii waa sida guga iyo Jiilaalka oo kale malaha inagu xoolaha ayuunbaynu ku naqaanaa, marka lagu Jiro Guga iyo Jiilaalka, marka ballan ayaanu ku qaadaynaa haddii aanu nahay Baankii, in aanu sii wadno hawsha aanu qiimaha Doolar-ka hoos ugu dhigayno”

 

 

Agaasimaha Guud ee Baanka, Cabdilaahi Xassan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in baanka Somaliland uu ku dedaalayo sidii bulshadiisa uu u daryeeli lahaa waxanu yidhi "Kormeerkayagani aanu aniga iyo Guddoomiyaha Baanku ku nimid Sariflayaasha Suuqa Magaaladda Hargeysa waa si aanu ugu kuurgalo una kormeerno Qiimaha doolar-ka ee ka jira suuqa Sarif lacagaha, waxaana aanu u sheegaynaa Sariflayaasha iyo Bulshaddaba in uu baanka dhexe ee dawladda ee aanu Masuulka ka nahay uu la shaqeeyo dadkiisa, oo aanu maanta (Shalay) go’aaminay in aanu Qiimaha doolar-ku gaadhin heerkii aanu ugu talo galay, balse uu ku joogo halkii aanu anagu ugu talo galay, ciddna aanay dhaafin karin halkaasi, waxaana aanu ku boorineynaa oo ku wargelineynaa dhammaan Sariflayaasha Suuqa Hargeysa inayna la soo socodsiiyaan kolba halka uu doolarka iyo qiimahiisuba marayo, oo marka xata ay dhibaato dhinaca Sarifka ahi timaado ay na la soo socodsiiyaan si aanu wax uga qabano arintaasi, waxaana aanu ku rejo weynahay sida uu Guddoomiyaha Sariflayaashu sheegay inay wada shaqeyn fiicani inaga dhaxayso oo aanu wax ka qabano marka ay wax soo kordhaan taasi ayuu kormeerkayagu ku saabsan yahay”

 

 

Guddoomiyaha Sariflayaasha Somaliland, Cabdilaahi Cali Barre oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn uga mahadceliyey booqashada Maamulka baanka dhexe ugu tegeen Sariflayaasha waxaanu yidhi  "Wax aan ka mid ahay Sariflayaasha ka shaqeeya suuqa Sariflayaasha Hargeysa, Suuqa Sarifkana waxa aan joogay muddo aad u badan, welina maan arag Agaasime iyo Guddoomiye baanka dhexe ee dawladda oo halkaasi noogu yimid, waana mid aanu aad ugu faraxsanay oo aad u soo dhaweynayno, runtiina muddooyinkii u dambeeyey waxa jira qiimo korodh ku yimid Sarifka lacagta doolarka oo aad u kacay  gaadhayna ilaa Todoba boqol iyo Labaatan kun boqolkii doolar-ba, haddase waa tan uu hoos u dhigay Sicir bararka ku yimid doolar-ka Maamulka Bangiga dhexe oo ay ina la joogaan Guddoomiyahii iyo Agaasimahii guud ee baanku oo runtii ilaa Todoba boqol ay hoos u dhigeen halkaana hoos uga sii celin doonaan”

 

 

Guddoomiyayaasha sariflayaashu wuxuu sheegay in Sariflayaasha Hargeysi inay la shaqeynayaan Siyaasadda Baanka dhexe iyo dawladdu u dejiso qiimaha lacaga iyo sarifka dalka oo ay la jaanqaadi doonaan hadii ALLE idmo.

 





Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com