Wax Ka Ogaw Waqtiga La Ciyaari Doono Kulanka Sideed Dhamaadka Copa Del Rey Ee Barcelona Vs Atletico Madrid

0
Friday January 16, 2015 - 10:59:57 in by Burco Office
  • Visits: 2605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Ogaw Waqtiga La Ciyaari Doono Kulanka Sideed Dhamaadka Copa Del Rey Ee Barcelona Vs Atletico Madrid

    Kadib markii ay kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid xalay tikidhaanta u goosteen wareega sideed dhamaadka tartanka Copa Del Rey, ayay labadan kooxood markale iskaga hor iman doonaan laba kulan oo Copa Del Rey ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii ay kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid xalay tikidhaanta u goosteen wareega sideed dhamaadka tartanka Copa Del Rey, ayay labadan kooxood markale iskaga hor iman doonaan laba kulan oo Copa Del Rey ah.

Atletico Madrid ayaa wareega sideeda kooxood soo gaadhay kadib markii ay celcelis ahaan 4:2 kaga soo badisay Real Madrid halka Barcelona ay celcelis ahaan 9:0 kooxda Elche kaga soo talaabsatay.

Iyadoo kulankii dhawaa ee La Ligaha ay Barcelona 3:1 ku dubatay Atletico ayay markale Arbacada soo socota ee ay bishan Janaay tahay 21 ka ku kulmi doonaan Camp Nou, markaas oo ay wada ciyaari doonaan lugta hore ee Copa Del Rey.barca

Kulanka lugta danbe ee ka dhici doona guriga Atletico Madrid ee Calderón ayaa isna la ciyaari doonaa todobaad kadib iyada oo isagana la ciyaari doono 28 ka isla bishan Janaayo. Taas ayuu micnaheedu noqonayaa in Barcelona iyo Atletico Madrid ay bishan Janaayo kulmayaan saddex jeer halka ay Atletico Madrid u noqonayso inay bishan shan kulan la ciyaarayso Barcelona iyo Real Madrid.

Kooxaha kale ee u soo baxay wareega sideeda kooxood iyo sida ay u wada ciyaari doonaan ayaa ah sidan: Espanyo ayaa soo dhawan doonta kooxda Sevilla, Malaga ayaa iyaduna lugta hore soo gurigeeda kula kulmi doonta Atletic Bilbao halka Villarreal ay la ciyaari doonto kooxda Getafe.

Kulamada Lugta Danbe ee Copa Del Rey:

Arbacada January 21

Malaga-Athletic Club

Villarreal-Getafe

Barça-Atlético

Khamiista January 22

Espanyol-Sevilla

Kulamada Lugta Hore ee Copa Del Rey:

Arbacada January 28

Athletic Club-Malága

Getafe-Villarreal

Atlético-Barça

Khamiista January 29

Sevilla-Espanyol

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa tii soo baxdaa ku dhici doontaa midka soo baxda kooxahaVillarreal iyoGetafe . waxaana kulamada sare loogu soo bixi doonaa afar dhamaadka koobka Copa Del Rey.


contact@afkashacabka.com