Guddoomiyaha WADDANI Oo Hambalyo U Diray Garaadka Lagu Caleemo Saaray Buuhoodle

0
Friday January 16, 2015 - 18:50:24 in by Burco Office
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha WADDANI Oo Hambalyo U Diray Garaadka Lagu Caleemo Saaray Buuhoodle

    Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duraan oo Khamiistii lagu caleemo saaray Magaalada buuhoodle ee xarunta Gobolka Buuhoodle.


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo haatan ku sugan Magaalada Dubai ee Waddanka isku taga imaraadka Carabta ayaa duco, dardaaran iyo hamblayo u diray Garaadka Cabdirisaaq Garaad Soofe Duraan "Waxaan hambalyo ballaadhan iyo bogaadin u dirayaa Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duraan oo khamiistii lagu caleemo saaray ama lagu caano shubay Magaalada buuhoodle,waxanan leeyahay Garaadka ilahay ha kuu fududeeyo xilkaas weyn ee dhaqan ee laguu doortay.” Sidaas waxaa yidhi Guddoomiye Cirro.


Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu intaas ku ladhay "Waxaan Garaad Cabdirisaaq Garaad Soobe Duraan kula dar-daarmayaa inuu noqdo Garadkii Deegaanka uu ka soo jeedo iyo Guud ahaan umada reer Somaliland ka dhiga bulsho walaalo ah oo isku duuban isla markaasna uu noqdo Garaad tilmaan wanaagsan leh.”

conatct@afkashacabka.com