Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka Cusub Ee Soomaaliya Oo Baarlamaanka Ka Dalbaday In Xukuumadda Ay Meelmariyaan

0
Friday January 16, 2015 - 19:26:52 in by Burco Office
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka Cusub Ee Soomaaliya Oo Baarlamaanka Ka Dalbaday In Xukuumadda Ay Meelmariyaan

    Ra'iisul wasaare Ku xigeenka cusub ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday xildhibaanada Baarlamaanka in wasiirada cusub ay siiyaan codka kalsoonida ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaare Ku xigeenka cusub ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday xildhibaanada Baarlamaanka in wasiirada cusub ay siiyaan codka kalsoonida ah.


Waxa uu sheegay in xukuumada cusub ee weli aan helin kalsoonida ay u taallo shaqo aad u badan sidaa darteedna baarlamaanka uu ka dalbanayo in codkooda ay siiyaan.

"Waxaan ka mid nahay dowladaan cusub ee maanta la doonayo inay ka howlgasho dalka, marka waxaan weydiisanaynaa oo ku boorineynaa in xildhibaanada ay ansixiyaan xukuumadda, howl badan baa noo taalla, wax qabad badan ayaa loo baahanyahay, dalka wuu dayacan yahay, marka dhamaanteen anaga oo isku duuban, isku mid ah aynu isku dayno dhinac inaan uga soo wada jeedsano sidii horumar dalka ku gaari lahaa, intaas ayaan jeclahay shacabkana waa uu na sugayaa” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka cusub ee Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay diiday codsi maalmo kordhin ah oo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ka yimid si 22-ka bishaan wasiirada loo horgeeyo baarlamaanka, hase ahaatee xildhibaanada ayaa isku raacay in maalinta beri oo 17-ka January ku beegan la horgeeyo .

conatct@afkashacabka.com