Ramos "Real Madrid Wax Jah Wareer Iyo Qas Kama Dhex Taagno"

0
Friday January 16, 2015 - 19:39:14 in by
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ramos "Real Madrid Wax Jah Wareer Iyo Qas Kama Dhex Taagno"

    Tan iyo markii ay Real Madrid kasoo laabatay dalka Morocco oo ay kaga qayb qaadatay tartankii Naadiyada Aduunka kooxdan weli cagaha dhulka lama helin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii ay Real Madrid kasoo laabatay dalka Morocco oo ay kaga qayb qaadatay tartankii Naadiyada Aduunka kooxdan weli cagaha dhulka lama helin.


Waxaana ku dhaceen guuldarooyin xanuun badan sidoo kalena Real Copa del Rey oo ay sanadkii hore ku guuleesatay ayaa laga reebay.

Hadaba daafaca hormuudka u ah kooxdan Sergio Ramos ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa xaalad kacsan ay ku sugan tahay.

"Caadi ahaan markii Real Madrid laga badiyo labo kulan dadka waxay bilaabaan inay dhahaan kooxda waxay ku sugan tahay xaalad aan fadhinin”

"Balse waxaan idiin sheegaa in Madrid awax jah wareer iyo qas aysan ku dhex jirin”

"Kaliya waxaan u baahanahay inaan isdajino sidoo kalena aan horey u socono oo aan ka fikirno kulamada nagu soo fool leh”

"Xili cayaareedkii hore sanad inoo qaas ah ayuu ahaa haatana waxaan dadaal ugu jirnaa guushii aan sanadkii hore gaarnay inaan mar labaad kusoo celino”

"Xili cayaareedka waa dheer yahay mana ahan Madrid koox labo kulan guuldaro ay la kulantay ku niyad jabeyso”

Real Madrid kulankooda ugu soo horeey La Ligaha Spain waxay la cayaari doontaa naadiga Getafe maalinta axada ah.

contact@afkashacabka.com