Real Madrid Oo Laga Yaabo Iney Ganaax Dhanka Suuqa Kala Iibsiga Ah Kala Kulanto FIFA

0
Friday January 16, 2015 - 20:40:22 in by Burco Office
  • Visits: 1292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Laga Yaabo Iney Ganaax Dhanka Suuqa Kala Iibsiga Ah Kala Kulanto FIFA

    Real Madrid ayaa lagu wadaa in lagu sameeyo baaritaan qoto dheer oo dhanka soo iibsashada ciyaartoyda da'yarta ah taasoo suuragal ka dhigi karta iney la kulanto ganaaxii ay FIFA kal hore kusoo rogtay Barcelona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa lagu wadaa in lagu sameeyo baaritaan qoto dheer oo dhanka soo iibsashada ciyaartoyda da'yarta ah taasoo suuragal ka dhigi karta iney la kulanto ganaaxii ay FIFA kal hore kusoo rogtay Barcelona.


Kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ayaan suuqa kala iibsiga wax kasoo iibsan karin tan iyo January 2016, madama racfaankii ay qaateen ay soo diidada maxkamadda ugu sareysa kubada cagta ee CAS.

Si Kastaba ha ahaatee majalada Sports ee Spain fadhigeedu yahay ayaa qirtay in Real Madrid ay ka mid noqotay tiro kooxo ah oo looga shakisan yahay iney si sharci daro ah kusoo qaataan ciyaartoyda da’yarta ah.

Waxaa la fahansan yahay in ku dhawaad 20-kooxood oo ka dhisan horyaalada ugu caansan qaarada yurub ay arintaan taaban doonto, inkastoo madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez uu arintaas waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Ugu dambeyntii Real Madrid haatan waxey ku socotaa jawi heer sareeya, madama ay tahay kooxda hogaanka u heysa horyaalka La Liga

contact@afkashcabka.com