Ethiopia Oo Xukun Ku Riday Rag Lagu Eedeeyay Isku Day Bedelaada Dastuur Dalkaasika

0
Friday January 16, 2015 - 20:44:49 in by Burco Office
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia Oo Xukun Ku Riday Rag Lagu Eedeeyay Isku Day Bedelaada Dastuur Dalkaasika

    Wararka naga soo gaadhaya dalka Ethiopia ayaa sheegaya inMaxkamada dalkaasi Ethiopia ayaa xukun sanado ah ku riday seddex muwaadin Itoobiyaan ah,kuwaasi oo lagu eedeeyay inay wadeen Qorshe ay sharciga islaamka ugu soo rogi lahaayeen dalka Ethiopia,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaadhaya dalka Ethiopia ayaa sheegaya inMaxkamada dalkaasi Ethiopia ayaa xukun sanado ah ku riday seddex muwaadin Itoobiyaan ah,kuwaasi oo lagu eedeeyay inay wadeen Qorshe ay sharciga islaamka ugu soo rogi lahaayeen dalka Ethiopia, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaarada garsoorka dalkaasi .

Saraakiisha Maxkamadii xukumeysay ragan ayaa shaaciyay in Ali Adorus lagu xukumay 4-sano iyo badh xabsi ah halka Mohammed Ahmed iyo Ahmed Elmi oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya mid kasto uu ku dhacay xukun ah afar sano iyo seddeed bilood,sida uu sheegay Fekadu Tsega,oo ah isku xidhaha dacwad oogayaasha qaranka Ethiopia.

"Waxaa lagu soo eedeeyay isku day ay ku damceen inay badalaan dastuurka ma doorsoomaha ah ee Dowlada Ethiopia,Ethiopiana ay baraan Dowlada Islaami ah oo ku dhaqanta falalka argagixisada,” ayuu sheegay Fekadu Tsega.

Sida uu sheegay Fekadu oo ah isku xidhaha dacwad oogayaasha Qaranka Ethiopia,Seddexda rag ee Britishka ah ayaa Dowlada Ethiopia ay xukuntay sanadkii 2009-kii markaasi oo lagu helay inay soo horjeesteen sharciga Ethiopia.

Adorus,ayaa lagu xidhay Ethiopia sanadkii 2009-kii,isagoona qirtay in jirdil iyo xad gudub ka dhan ah bini-adanimada uu la kulmay.


contact@afkashacabka.com