Wafti Ka Socda Golaha Deegaanka Sefeild Oo Caawa Soo Gaadhay Magaalada Burco iyo Xildhiban Bidhi oo Burco ku so Dhoweeyey

0
Saturday January 17, 2015 - 08:21:07 in by salman abdi
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafti Ka Socda Golaha Deegaanka Sefeild Oo Caawa Soo Gaadhay Magaalada Burco iyo Xildhiban Bidhi oo Burco ku so Dhoweeyey

    Wafti Balaadhan oo Ka Socota Golaha Deegaanka Shefeild Ayaa Caawa Soo Gaadhay Magaalada Burco,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti Balaadhan oo Ka Socota Golaha Deegaanka Shefeild Ayaa Caawa Soo Gaadhay Magaalada Burco,

Waftigan oo Uu Hogaaminayay Xildhibaan Mubarak yusuf Cilmi Bidhi Oo Si Weyn Ugala Qaybqaatay Soo dhaweynta ay usameeyeen Dadweynaha Reer Burco ayaa Waxa Caawa Sibalaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada burco,IMG_9147

Waftiga oo ka koobnaan Xubno Kamida Xildhibaanada golaha deegaanka Shefeild ayaa caawa khudbado kala duwan u jeediyay dadweynihii ka qaybqaatay soo dhaweyntooda, waxaana ay aad ugu mahad celiyeen dadweynaha reer burco sida sharafta leh ee ay u soo dhaweeyeen waftigan caawa u timi, sidoo kalena waxay waftigu sigaara ugu mahadceliyeen xildhibaan Mubarak Bidhi oo ahaa masuulka kaliya ee caawa dadweynaha reer burco kala qaybqaatay soo dhaweynta waftigan reer shefeild,

Sikastaba Ha ahaatee waftigan oo maalinta beri ah ee sabtida ku sugnaan doona magaalada burco, ayaa kulamo la yeelan doona masuuliyiinta kala duwan ee gobolka iyo degmada iyo qaybaha bulshada burco, sidoo kalena waxay waftigu berito booqshooyin kala duwan ku soo samaynayaan meelo badan oo kamida Goobaha muhiimka ee ku yaala Burco, gaar ahaana Jaamacada Burco, Xaafada Shefeild , Madaarka Burco Iyo Waliba goobtii lagaga Dhawaaqay Jamhuuriyada Somaliland, oo ah astaan Muhiima oo kutaal Gobolka Togdheer,