ISBADALKA SIYASADEED EE BUUHOODLE WQ: Ducaysane Xiis Cabdi

0
Saturday January 17, 2015 - 08:42:43 in by salman abdi
  • Visits: 1180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ISBADALKA SIYASADEED EE BUUHOODLE WQ: Ducaysane Xiis Cabdi

    Horta marka koobad waa Iga hanbalyo iyo duco oo an hawada umarinaayo Garaad C/risaaq garaad Soofe oo lagu caleemo saarayo Dagmada Buuhoodle. Ilahay Xilkaa loo igmadey ha u fududeeyo ayaan leyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horta marka koobad waa Iga hanbalyo iyo duco oo an hawada umarinaayo Garaad C/risaaq garaad Soofe oo lagu caleemo saarayo Dagmada Buuhoodle. Ilahay Xilkaa loo igmadey ha u fududeeyo ayaan leyey.
mida xigta dhanka siyasada iyo isbadalka Buuhoodle ayaa xusid mudan in wax laga taabto , in kastoo anan jecleyn in aan hoos u dago , lakinse waxa laga marman ah in an ku tilmamo luuqada ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Buuhoodle waa goob laf dhuun gashey ku noqotey siyaasiyiin badan sidey uga shaqayn lahayeen halxidhalaheeda siyasadeed , iminkase u muuqata mid Gudomiye ciro uu heley Hal xidhalahas , Madaama uu ka furtey Xafiis Waddani leyey Magalada Buhodle , Caleemo saarka Garaadkana ay u ga qayb galayaan saraakiil Xisbiga waddani kamid ah.

Buhodle waa meel siyasad ahaan dihin, wana qodobka kaliya ee siyasiyiinta ka soo jeeda Degmadaas mid walba mamulida dagmadaas u sheegto, tusale Cali khaliiif galeydh waa madaxweynaheeda dibad wareega ah, xaglatosiye waa Wasiirka u budhtuurka ah, Madaxweyne ku xigeenka Putaland waa Odeyga sadexad ee lug kula jira siyasadeeda.

Dhanka Dadka Deggen Gobolada Barri , Buuhoodle waxay madax u tahay bulsho balaadhan oo saameyn ku leh habda dhanka ay raacdo siyasad ahaan iyo xulifo ahaanba, dhanka axsaabta Somaliland UCID,KULMIYE iyo WADDANi waxa mid walba hunguri kaga jiraa sidii ay usoo xantoobsan lahayeen codka faraha badan ee ay madaxda u tahay Magalada Buuhoodle, Lakinse Buuhoodle waxa ay markiiba is qaniineen Xisbil xaakimka Kulmiye oo ay isku af dhafeen arintii Kalshaale.

Buuhoodle Waxay iminka umuqataa mid ku soo biireysa siyaasad iyo fikir ahaanba xilfiga togan ee uu xisbiga Waddani wado , madama Magalada Buhoodle markii u horeyey ka furtey xafiis uu leyey WADDANI.

Waxan oran karaa jeegaantii labada Gobol ay ku bahoobeen Borama iyo Odweyne waxa soo sadexeynaya sida umuuqato Buhoodle 



Qore By: Axmed-Xiis Cabdi (Ducaysane) .
Burco Somaliland