Xukuumadda Dhawaan La Soo Dhisay Oo La Kaladiray Iyo Go'aanka Raysal wasaaraha Soomaaliya.

0
Saturday January 17, 2015 - 21:36:55 in by salman abdi
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Dhawaan La Soo Dhisay Oo La Kaladiray Iyo Go'aanka Raysal wasaaraha Soomaaliya.

    Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke, ayaa go'aansaday inuu kala diro Golihiisa wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke, ayaa go'aansaday inuu kala diro Golihiisa wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay


 

Warqad uu u gudbiyay Shir Gudoonka Baarlamaanka Somalia ayuu ku sheegay in la siiyo muddo 2 todobaad ah si uu u isbedel ugu sameeyo Golaha wasiirada.

maanta ayaa loo balansanaa in Golaha Baarlamaanka la hor keeno Wasiirada si loo ansixiyo Xukumadda cusub, hase ahaatee Xildhibaan Bashaar Ugaas oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa Idaacadda VOA u sheegay in Ra’isal wasaaruhu Waraaqda ku sheegay inuu muddadii koobnayd ogaaday inaan Golaha wasiiradu taageero ka haysan Bulshada, sidoo kalena aanay helayn Kalsoonida baarlamaanka.

Waa markii u horaysay ee Gole wasiiro oo aan wali la ansixin la kala diro. Arragtida Bulshada iyo Xildhibaano baarlamaanka ka tirsan ayaa muujinaysay siday uga soo horjeedaan Wasiirada Xukumaddihii hore ku jiray ee haddana ku jira Xukumadda iyo sidoo kale in Golaha wasiiraddu muujinayo Xulufo taabacsan Madaxweynaha.

Waxana fadhiigii Golaha shacabka ee manta loo akhriyay warqadda uu golaha u soo gudbiyay Raysal wasaare Cumar C/rashiid Cali (Sharmaarke) taasi oo uu xildhibaanadda kaga dalbanaayay in la siiyo mudo laba wiiga ama 14-maal mood oo ka milaabanta manta oo sabtiya, si uu isku shaandhayn iyo kala hufid uugu soo sameeyo Xubnihiisa golaha wasiiradda ee ay ka biyo dideen Golaha shacabka iyo bulshadda muqdisho waxana cod gacantaaga oo xildhibaanaddu u qaadeen mudada labadda wiiga ee raysal wasaaru dalbaday, cod ku ogolaaday 190-mudane,


https://pbs.twimg.com/media/B7i4ZzzIMAEKF1I.jpg



Contact@afkashacabka.com