Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Tacsi U Diray Eheladii Uu Ka Baxay Caaqil Cabdi Hadoodil Oo Shalay Shil Baabuur Ku Geeryooday.

0
Friday March 21, 2014 - 22:19:38 in by salman abdi
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Tacsi U Diray Eheladii Uu Ka Baxay Caaqil Cabdi Hadoodil Oo Shalay Shil Baabuur Ku Geeryooday.

    Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Ayaa Dhambaal Tacsi Ah U Diray Eheladii Uu Ka Baxay Allah Haw Naxariistee Caaqil Cabdi Caaqil Maxamed Cigaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Ayaa Dhambaal Tacsi Ah U Diray Eheladii Uu Ka Baxay Allah Haw Naxariistee Caaqil Cabdi Caaqil Maxamed Cigaal.


Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Ayaa Dhambaal Tacsi U Diray Eheladii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Alle Ha U Naxariiste Marxuun Caaqil Cabdi Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal Oo Shalau Shil Baabuur Ku Geeryooday.

Waxaana Qoraal Kooban Uu Warbaahinta Soo Gaadhsiiyey Guddoomiyaha Xisbiga Tallada Dalka Haya Ee Kulmiye U Dhignayd Sidan:-

Aniga Oo Ku Hadlaya Magacayga, Ka Xisbiga Kulmiye Iyo Taageereyaasha Xisbigaba Waxa Aan Halkan Dhambaal Tacsi Ah Uga Dirayaa Eheladii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Rabbi Naxariistii Janno Ha Ka Waraabiyee Caaqil Cabdi Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal Kuna Magac Dheeraa Inna Hadoodil Oo 20.03.2014 Maanta Ku Geeriyooday Shil-Baabuur Oo Ka Dhacay Agagaarka Hudisa Oo U Dhaxaysa Berbera Iyo Sheekh.

Sidoo Kale Waxa Aan Tacsi Taasi La Mid Ah U Dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Iyo Asxaabtii, Uu Ka Baxay Marxuumku Waxaanan Alle Uga Baryaaya Inuu Naxariistii Janno Ka Waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Iyo Asxaabtii Uu Ka Baxayna Samir Iyo Imaan Ka Siiyo.


Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com