Nin ay Baadi goobayeen Booliiska Caalamiga ee Interpol oo Wasiir laga dhigay

0
Sunday January 18, 2015 - 12:47:26 in by salman abdi
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin ay Baadi goobayeen Booliiska Caalamiga ee Interpol oo Wasiir laga dhigay

    Nin ay si weyn u baadi goobayeen Booliiska Caalamiga ee Interpol ayaa lagu soo waramayaa in uu noqday Wasiir katirsan Xukuumada Cusub ee dhawaan loo soo dhisay Dalka Afgaanistaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin ay si weyn u baadi goobayeen Booliiska Caalamiga ee Interpol ayaa lagu soo waramayaa in uu noqday Wasiir katirsan Xukuumada Cusub ee dhawaan loo soo dhisay Dalka Afgaanistaan.


Wasiirka Cusub ee Beeraha Dalka Afgaanistaan Mohammad Yacqub Xeydari ayaa laga baadi goobayaa dalka Estonia, waxaana loo haystaa in uusan bixin canshuuro laga doonayay sanadkii 2003-dii.

Mohammad Yacqub Xeydari , oo ka hadlay arintan ayaa sheegay in uu yahay nin dhibane ah oo shirqool Siyaasadeed loo dhigayo, waxa uuna beeniyay dambiyada qaar ee loo heesto.

Xafiiska madaxweynaha dalka Afgaanistaan ayaa billaabay baaritaan kaddib markii ay soo baxday in wasiir uu Madaxweyne Ashraf Ghani magacaabay ay doondoonayaan booliska caalamiga ah ee Interpol.



Contact@afkashacabka.com