Huteelka DEERO, Oo Ku Guulaystay Shaahado Loogu Hibeeyay Nadaafad Wanaag.

0
Sunday January 18, 2015 - 14:22:45 in by Burco Office
  • Visits: 1282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Huteelka DEERO, Oo Ku Guulaystay Shaahado Loogu Hibeeyay Nadaafad Wanaag.

    Burco(AFKA)Hotelka Deero ku yaal magaalada Burco ayaa ku guulaystay in la gudoonsiiyo Shahaado sharaf lagu abaalmiriyay nadaafada iyo macmiil wanaagada hotelkaasi uu sameeyay sanadihii la soo dhaafay, isagoona hotelku ku talaabsaday horumar balaadhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Hotelka Deero ku yaal magaalada Burco ayaa ku guulaystay in la gudoonsiiyo Shahaado sharaf lagu abaalmiriyay nadaafada iyo macmiil wanaagada hotelkaasi uu sameeyay sanadihii la soo dhaafay, isagoona hotelku ku talaabsaday horumar balaadhan oo kusoo kordhiyay dhinaca adeegsayadiisa uu bixiyo,

 

Madaxda Wasaarada Caafimaadka Iyo Haayada Quality Cantrol Ayaa Maanta Gudoonsiiyey Maamulaha  Hutel Deero Yuusuf Khaliif Axmed Waxaana Sida Ay Sheegeen Ku Maamuuseen Huteelka Sida Fiican Ee Uu Nadaafadiisa U Ilaaliyeen Isla Markaana Marwalaba Heeganka Ugu Jiraan Sidii Ay U Ilaalin Laahaayeen Nadaafada Iyo serviceka Huteelka Una Raaligeliyeen Bulshada Ku Xidhan.

Madax Fayadhawrka Wasaarada Caafmaadka ee Gobolka Togdheer Faarax Cali Nuur Ayaa Sheegay In Markii Ay Sameeyeen Huteelada Ku Yaala Magaalada Burco Inay Soo Ogaadeen Huteelka Ugu Nadaafada Security iyo serviceka Badan Inuu Yahay Hutel Deero Taasna Uu Ku Mutaystay.
Waxa u Sheegay Faarax Cali Nuur In Markaasi Ay Hutelka Ku DHiiri Galinayaan Inuu Sii laban Laabo Shaqadiisa Isla Markaana Uu Sare U Sii Qaado Nadaafada Securityga iyo servicekaba

Isu Duwaha Haayada Quality Cantrol Ee Gobolka Togdheer Aya Isaguna Dhankiisa Sheegay In Huteelkani Mutaystay Shahaado Sharaftani Waxaana Uu Sheegay Markii Ay Isla Kaashadeen Iyaga Iyo Wasaarada Caafimaadku Ay Isla Garteen In Shahaadadani la Siiyo HUteel Deero. Waxa Uu Sheegay In Loo Baahan Yahay In Huteelada Kalena Ku Daydaan Isla Markaana AY Sameeyaan Dadaalka Uu Sameeyeen Maamulka Huteel Deero

Yuusuf Khaliif Axmed Managerka Deero Hutel Oo Shahadadaasi la Gudoonsiiyey Ayaa Uga Mahadnaqay Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka , Haayada Quality Cantrol Iyo Hye-jinta Dawlada Hoose Shahaado Sharaftan Ay Ku Maamuuseen Waxaana uu Sheegay inay Sare U Qaadayaan ka Huteel Ahaan Isla Markaana Ay markastaba Ku Dadaalaan Sidii Ay Macaamiishooda U Qancin Lahaayeen,

Sikastaba ha ahaatee Hotel-Deero ee magaalada Burco ayaa noqday Hotelka ugu soo jeedisahada Badan oo ay dadka ugu badani ku soo degaan, kaas oo uu ku mutaystay Nadaafada, adeegyada uu bixiyo, Goobta uu kuyaalo oo badhtamaha magaalada ah iyo waliba managerka Hotelka Mud:Yuusuf Khaliif oo isagu kasbaday in Hotel Deero uu heerkaasi Gaadho.deero (1) deero (2) 

deero (1) deero (2) deero (3) deero

 

Cabdirisaq cabdilaahi aadan (koronto)

Afkashacabka.com


Burco/Office


koronto935@gmail.com