Cristiano Ronaldo Oo Labo Gool Dhaliyay Xilli Madrid Ay Xaaqday Getafe Siina Xajisatay Hogaanka La Liga

0
Sunday January 18, 2015 - 19:12:34 in by Burco Office
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Labo Gool Dhaliyay Xilli Madrid Ay Xaaqday Getafe Siina Xajisatay Hogaanka La Liga

    Real Madrid ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii ay 3-0 ku dardareen kooxda Getafe oo marti loo ahaa iyadoo Cristiano Ronaldo uu labo gool dhaliyay. Real Madrid ayaa ciyaartaas soo gashay iyagoo doonayay inay gadaal iska ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii ay 3-0 ku dardareen kooxda Getafe oo marti loo ahaa iyadoo Cristiano Ronaldo uu labo gool dhaliyay. Real Madrid ayaa ciyaartaas soo gashay iyagoo doonayay inay gadaal iska mariyaan niyadjabkii ka soo gaaray Copa del Rey oo ay ka hareen habeenkii khamiista.



Tababare Carlo Ancelotti ayaana ku adkeystay inuusan wax isbedel ah ku sameynin kooxdiisa marka laga reebo Varane oo bedelay Pepe oo dhaawac ku maqnaa.

1421580515665_lc_galleryImage_Real_Madrid_s_Portuguese_

Los Blancos ayaana ciyaarta iska heysatay qeybtii hore inkastoo fursadihii ay heleen ay ka faa’ideysan waayeen taasoo jahwareer ku noqoneysay mararka qaar. Waxaana qeybtii hore ay labada kooxood ee Madrid kawada dhisan ku kala nasteen barbaro goolal la’aan ah.

Real Madrid ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 62aad ka dib kubad fiican oo ay ciyaareen. Ronay ayaa bilaabay isagoo ka soo dhaqaaqay dhanka midig waxa uu kubada u dhiibay Isco kaasoo u sii dhiibay James oo isna u soo baaxay Benzema. Xiddiga Faransiiska ah ayaa awood u sheegtay daaficii xiranayay ka hor inta uusan kubada u soo celinin xiddiga ugu fiican dunida kaasoo shabaqa ku taabtay isagoo afar mitir u jira goolka.

Waxa uu ahaa baas qatar ah oo uu soo dhigay Benzema kaasoo aan gooldhalinin tan iyo bishii November balse caawintaan ay niyadiisa dejisay.

1421581650997_lc_galleryImage_Real_Madrid_s_Colombian_m

Afar daqiiqo ka dib Real Madrid ayaa heshay goolkii labaad ee ciyaarta. James Rodriguez ayaa kubad ka soo qaaday garabka bidix taasoo u sahashay in Gareth Bale uu kubada si fiican ugu taabtay shabaqa.

Waxaana xusid mudan in Ronaldo uu ahaa xiddigii ugu horeeyay ee ku soo orda lana dabaaldega xiddiga reer Wales. Waxaana uu ahaa goolkii sagaalaad ee Bale uu ka dhaliyo La Liga xilli ciyaareed

Daqiiqadii 71aad ayuuna Ronaldo ku dhawaaday inuu dhaliyo goolkiisii seddexaad isagoo kubad laad xor ah si ciriiri ah ku hareer mariyay goolka.

Cristiano Ronaldo ayaana heley goolkii labaad ee uu raadinayay iyo goolkii 3aad ee Real Madrid daqiiqadii 78aad ee ciyaarta markii uu madax ku dhaliyay kubad karoos ah oo uu garabka bidix ka soo qaaday mar kale James Rodriguez, waxa ay aheyd goolkii labaad ee uu James caawiye ka noqdo.

1421585015268_lc_galleryImage_GETAFE_SPAIN_JANUARY_18_G

Xiddiga dhawaan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaana goolkaan uu u ahaa goolkiisii 28aad ee xilli ciyaareedka.

Daqiiqadii 85aad Getafe ayaa ku dhawaatay inay gool soo ceshato laakiin kubad ay si fiican u soo dhiseen ka dib waxaa ka beenisay birta, halka Casillas uu isna kubad ooner fiican ka badbaadiyay.

Real Madrid ayayna guusha ku raacday 3-0 iyagoo hogaanka horyaalka sii dheereystay islamarkaana leh 45 dhibcood waxaana ay 4 dhibcood ka sareeyaan kooxda Barcelona oo caawa ciyaareysa inkastoo Los Blancos uu kulan u harsanaanayo.

contact@afkashacabka.com