Fannaankii weynaa Ee Maxamed Axmed Kuluc, ayaa maanta aas Qaran loogu sameeyay magaalada Hargeysa

0
Sunday January 18, 2015 - 19:24:40 in by Burco Office
  • Visits: 819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fannaankii weynaa Ee Maxamed Axmed Kuluc, ayaa maanta aas Qaran loogu sameeyay magaalada Hargeysa

    Alle ha u naxariistee Fannaankii weynaa Ee Maxamed Axmed Kuluc, ayaa maanta aas Qaran loogu sameeyay magaalada Hargeysa ka dib markii shalay uu ku geeriyooday Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha u naxariistee Fannaankii weynaa Ee Maxamed Axmed Kuluc, ayaa maanta aas Qaran loogu sameeyay magaalada Hargeysa ka dib markii shalay uu ku geeriyooday Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.


Masuuliyiin uu ugu sareeyo Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylic,Asxaabta qaranka,Warbaahinta,Bahda fanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo kumanaan ah ayaa ka qayb galay Aaska qaran ee loo sameeyay Marxuumka oo Lagu aasay Xabaalaha Naaso Hablood ee Duleedka Hargeysa.


Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa sheegay in Hal abuur Maxamed Axmed Kuluc geeriyooday balse wacyigalintiisa iyo murtidiisu wali baaqi tahay.

"Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa Fannaankeenii iyo hal abuurkeenii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc ee geeriyooday. Waxaan leeyahay Eheladii iyo guud ahaan Bulshadaba Alle Samir iyo Imaan ha inaga siiyo. Waxaan Alle uga baryayaa Marxuumka in Illaahay Naxariistiisa ka waraabiyo.

Hal abuurku/fannaanku wuxuu ahaa Qof aad inoogu qaali ah, wuxuu ahaa Abwaan iyo fannaan muddo 60 sanno ka badan ku soo jiray fanka, maanta wuu inaga baxay laakiin, wacyi galintiisii iyo wax sheegiisii waa wax mar walba inala jooga. Waxaa dhamaanteen inala gudboon inaan u ducaynoo Illaahay u waydiino inuu Jannadii ka waraabiyo” ayuu yidhi madaxweyne xigeenka Somaliland.

cabdirisaaq cabdilaahi aadan (koronto)

Hargeisa/Office

afkashacabka.com