Maamulka Deegaanka Lafoole Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Deegaano Ku Dhaw Ceelasha Biyaha

0
Sunday January 18, 2015 - 19:33:58 in by Burco Office
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Deegaanka Lafoole Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Deegaano Ku Dhaw Ceelasha Biyaha

    Maamulka deegaanka Lafoole ayaa ka hadlay dagaal culus oo ka dhacay deegaanada Arbacow iyo Bood-boodka xalay iyo saaka, kaa oo u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka deegaanka Lafoole ayaa ka hadlay dagaal culus oo ka dhacay deegaanada Arbacow iyo Bood-boodka xalay iyo saaka, kaa oo u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab.


Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee deegaanka Lafoole Mukhtaar Nuur Gees ayaa u sheegayAfkashcabka.com in dagaalkaan uu ka dhacay deegaano fog, waxaana meesha uu ka saaray in nawaaxiga Ceelasha iyo Lafoole lagu dagaalamay.

Waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka in dagaalkaasi uu ahaa mid ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda iyo AMISOM, kaasi oo looga gol leeyahay in Al-shabaab laga saaro deegaano ay ku sugan yihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Meel noo jirta 9-km oo Al-shabaab saldhigii ay kasoo duulayeen ah ayaa ciidamada ku kala baxay, waxaana weerarka looga kala qaaday Lafoole iyo Kaxda, waxaana la rabaa in laga saaro Al-shabaab inta u dhaxeysa magaalada Marka iyo Ceelsha Biyaha ” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay haatan waa mid degan, mana jirto war dagaaladaasi ay si rasmi ah uga soo saareen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISO

Mudisho/Office
contact@afkashacabka.com