Wagaradka Degmada Xamarweyne Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Xarig Loo Geystay Gudoomiyaha Degmadaasi

0
Sunday January 18, 2015 - 19:49:57 in by Burco Office
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wagaradka Degmada Xamarweyne Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Xarig Loo Geystay Gudoomiyaha Degmadaasi

    Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xarig loo geystay gudoomiyaha degmadaasi ka dib markii lagu eedeeyay in uu isdaba marin ku sameeyay raashiin gargaar ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xarig loo geystay gudoomiyaha degmadaasi ka dib markii lagu eedeeyay in uu isdaba marin ku sameeyay raashiin gargaar ah.


Odayaashaan oo kulan ku yeeshay degmada Xamarweyne ayaa sheegay in naxdin ay ku noqotay markii ay maqleen in gudoomiyaha uu wax lunsaday, waxaana ay warkaasi ku tilmaameen been abuur.

Dhanka kale waxay sheegeen in sharaftii gudoomiyaha meel looga dhacay, iyadoo illaa iyo xilligaan aan wax dambi ah lagu haynin.

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in lagu deg degay xarigiisa, meelna looga dhacay xasaanadiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xilli walba waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay sharciga balse ay muhiim tahay in qaabka ugu haboon loo soo maro.


Muqdisho/Office

contact@afkashacabka.com