Jaaliyadda Jabuuti oo xafiiskii ugu horeeyay ka furtay Minnesota (SAWIRRO)

0
Sunday January 18, 2015 - 20:08:10 in by Burco Office
  • Visits: 1049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadda Jabuuti oo xafiiskii ugu horeeyay ka furtay Minnesota (SAWIRRO)

    Safiir dalka Jabuuti u fadhiya Mareykanka, Rooble Colhaye ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota uga qayb-galay xaflad weyn oo ay soo qaban-qabaaniyeen jaaliyadda reer Jabuuti, taasoo ay ku daah-furayeen xafiiskii ugu horreeyay oo ay jaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiir dalka Jabuuti u fadhiya Mareykanka, Rooble Colhaye ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota uga qayb-galay xaflad weyn oo ay soo qaban-qabaaniyeen jaaliyadda reer Jabuuti, taasoo ay ku daah-furayeen xafiiskii ugu horreeyay oo ay jaaliyadda Jabuuti ka furatay gobolka Minnesota. Kaasoo ay soo dhaweeyeen bulsho-weynta Jabuuti ee ku nool gobolkaas.

"Aad ayaan ugu faraxsannahay midnimada iyo wanaagga aad muujiseen," ayuu yiri danjire Col-haye oo hadal ka jeediyay xafladda, iyadoo uu wehliyay Qunsulkiisa Ciise Buraale.

Danjiraha Jabuuti ayaa ka sheekeeyay mashaariicda kala duwan ee Jabuuti ka socda, kuwaasoo ay ka mid yihiin Biyaha iyo Korontada, waxuuna xusay in horumarka iyo siyaasaddu aysan shaqo isku lahayn, lagana rabo qurbo-joogta Jabuuti in Midowga Yurub ay la wadaagaan mashruuc dalka gudihiisa ka socda ayna ku bixi doonto 160-milyan oo doollar.

Guddoomiyaha cusub ee jaaliyadda Jabuuti, Cali Bullaale ayaa isna sheegay inay xoojin doonaan midnimada iyo xiriirka ka dhexeeya Jaaliyadda dalkan ku nool, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan wanaagga shacabka Jabuuti. Isagoo intaa ku daray inay caawin doonaan xafiiskakoodu dadka Mareykanka ku cusub.

Aamina Guuleed oo ka tirsan Jaaliyadda ayaa dumarka Jabuuti ku boorrisay inay dadaal badan sameeyaan. Iyadoo tiri. "Haddii dumarku ay taageero la dhinac istaagaan xaafiiska Jaaliyadda wax badan ayaa noo qabsoomi doona, waayo howshii dumarku kaalin ka geysto mar kasta waa guuleysataa."

Sidoo kale, Macallin Siciid Saalax oo isna ka hadlay xafladda ayaa yiri. "Innaga haddii aan Soomaalida ah iyo Jabuuti waxaan nahay dad walaalo ah, waxaadna na siiseen taageero aan mar kasta ka mahad-celinayno, waanan soo dhaweynayaa xafiiska Jaaliyadda Jabuuti, wax badan ayaan wadaagi doonnaa insha'allaah."

Waxaa kaloo iyaguna xafladda ka hadlay madax kala duwan oo ka socday aqalka gobolka Minnesota, xafiiska Minneapolis, hor-joogayaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota iyo fanaaniin kala duwan oo kusoo bandhigay xafladda
Daawo Sawiro Dheeri AH

Safiir dalka Jabuuti u fadhiya Mareykanka, Rooble Colhaye ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota uga qayb-galay xaflad weyn oo ay soo qaban-qabaaniyeen jaaliyadda reer Jabuuti, taasoo ay ku daah-furayeen xafiiskii ugu horreeyay oo ay jaaliyadda Jabuuti ka furatay gobolka Minnesota. Kaasoo ay soo dhaweeyeen bulsho-weynta Jabuuti ee ku nool gobolkaas.

"Aad ayaan ugu faraxsannahay midnimada iyo wanaagga aad muujiseen," ayuu yiri danjire Col-haye oo hadal ka jeediyay xafladda, iyadoo uu wehliyay Qunsulkiisa Ciise Buraale.

Danjiraha Jabuuti ayaa ka sheekeeyay mashaariicda kala duwan ee Jabuuti ka socda, kuwaasoo ay ka mid yihiin Biyaha iyo Korontada, waxuuna xusay in horumarka iyo siyaasaddu aysan shaqo isku lahayn, lagana rabo qurbo-joogta Jabuuti in Midowga Yurub ay la wadaagaan mashruuc dalka gudihiisa ka socda ayna ku bixi doonto 160-milyan oo doollar.

Guddoomiyaha cusub ee jaaliyadda Jabuuti, Cali Bullaale ayaa isna sheegay inay xoojin doonaan midnimada iyo xiriirka ka dhexeeya Jaaliyadda dalkan ku nool, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan wanaagga shacabka Jabuuti. Isagoo intaa ku daray inay caawin doonaan xafiiskakoodu dadka Mareykanka ku cusub.

Aamina Guuleed oo ka tirsan Jaaliyadda ayaa dumarka Jabuuti ku boorrisay inay dadaal badan sameeyaan. Iyadoo tiri. "Haddii dumarku ay taageero la dhinac istaagaan xaafiiska Jaaliyadda wax badan ayaa noo qabsoomi doona, waayo howshii dumarku kaalin ka geysto mar kasta waa guuleysataa."

Sidoo kale, Macallin Siciid Saalax oo isna ka hadlay xafladda ayaa yiri. "Innaga haddii aan Soomaalida ah iyo Jabuuti waxaan nahay dad walaalo ah, waxaadna na siiseen taageero aan mar kasta ka mahad-celinayno, waanan soo dhaweynayaa xafiiska Jaaliyadda Jabuuti, wax badan ayaan wadaagi doonnaa insha'allaah."

Waxaa kaloo iyaguna xafladda ka hadlay madax kala duwan oo ka socday aqalka gobolka Minnesota, xafiiska Minneapolis, hor-joogayaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota iyo fanaaniin kala duwan oo kusoo bandhigay xafladda f

- See more at: http://hiiraan.com/news/2015/Jan/wararka_maanta18-89806.htm#sthash.PBApyv9P.dpuf