Mid ka mid ah Culumada Ahlusuna ee Koofur-galbeed oo lagu dilay Baydhabo

0
Sunday January 18, 2015 - 20:16:19 in by Burco Office
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah Culumada Ahlusuna ee Koofur-galbeed oo lagu dilay Baydhabo

    Shariif Siid Cali oo ka mid ahaa culummada Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo kooxo hubeysan ay toogteen, kaddib markii uu kasoo baxay masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Maqrib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shariif Siid Cali oo ka mid ahaa culummada Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo kooxo hubeysan ay toogteen, kaddib markii uu kasoo baxay masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Maqrib.


Wadaadkan oo si weyn looga yaqaanay Baydhabo ayaa waaxa toogtay koox dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado, lamana illaa hadda sababta loo dilay iyo kooxda dilkiisa ka dambeysay.

Shariifka ayaa wuxuu ahaa Sheekh ka shaqeeya maslaxada ummadda oo lagu yiqiinnay inuu dadka faro nabadda, isagoo ka mid ahaa culummada Ahlusunna Waljamaaca.

Wadaadkan ayaa wuxuu hormuud u ahaa culummaa'uddiinka ka qayb-qaata shirarka dib u heshiisiinta ah ee ka dhaca Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa culummada dadka bari jiray diinta Islaamka.

Ciidamada amniga Baydhabo ayaa waxay wadaan baaritanano ay ku baadi-goobayaan kooxihii dilka Sheekha ka dambeysay, kuwaasoo markii ay dilka fuliyeen goobta ka baxsaday.

Xaafadda uu ku yaallo masjidka uu Sheekhan salaadda kusoo tukaday oo loo yaqaan daba-qeynka ayaa baaritaannada xooggoodu ka socdaan, waxaana saaka magaalada laga dareemayo in si weyn looga xun yahay dilkii xalay loo geystay wadaadkan iyo qaban-qaabada aaskiisa.

Baydhabo/Office

contact@afkashacabka.com