Jose Mourinho Muxuu Ka Yidhi In Mohamed Salah Uu Ka Tago Stamford Bridge?

0
Sunday January 18, 2015 - 20:28:56 in by Burco Office
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Muxuu Ka Yidhi In Mohamed Salah Uu Ka Tago Stamford Bridge?

    Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa markii ugu horeysay ka hadlaya arinta aan salka laheyn ee Mohamed Salah kaas oo lala xiriirinayo inuu isaga tagi doono Stamford Bridge inta lagu jiro bishaan January.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa markii ugu horeysay ka hadlaya arinta aan salka laheyn ee Mohamed Salah kaas oo lala xiriirinayo inuu isaga tagi doono Stamford Bridge inta lagu jiro bishaan January.



Salah ayaa Chelsea kaga soo biiray Basel sanadkii hore, balse wuxuu nasiib u yeelan waayay inuu safka hore ka noqdo kooxdiisa, madama ay isku boos yahiin Hazard, Oscar iyo Willian.

Salah kaliya 13-jeer ayuu kasoo muuqday Blues horyaalka, mudadii uu ku sugnaa waxaana haatan dalab usoo diray kooxaha Besiktas, Inter Milan iyo Roma.

Jose Mourinho ayaa diiday in xidigaan uu ka dhaqaaqayo kooxda Chelsea madama shaxdiisa ay tahay mid tiro yar isla markaana ay lagama maarmaan tahay in Salah uu joogo.

"Ma bixi karo, waayo 20-ciyaariyahan ayaan heystaa marka lagu daro Drogba iyo Cesar oo dhaawac ah” Ayuu yiri JM.

"Qof walba oo kooxda ka tirsan ayaan u baahanahay Salah ma bixi doono, amaahna laguma bixin doono” Ayuu yiri Jose.

Ugu dambeyntii kooxaha Roma, Inter iyo Besiktas ayaa la laaban doona dalabyo ay ku doonayeen xidigaan rer Masar ee ku dhibaateysan Galbeedka London.

contct@afkashacabka.com