Cazorla Iyo Giroud Oo Arsenal Waji Cusub U Furay Kadib Markii Ay Etihad Ku Dileen Manchester City

0
Sunday January 18, 2015 - 21:02:39 in by Burco Office
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cazorla Iyo Giroud Oo Arsenal Waji Cusub U Furay Kadib Markii Ay Etihad Ku Dileen Manchester City

    Laba gool oo ay kala dhaliyeen Giroud iyo Cazorla ayaa ka dhigtay iney Manchester City guuldaro ku gudoonto gurigooda Etihad Stadium, waxeyna ka dhigan tahay iney shan dhibcood ka hooseyaan Chelsea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Giroud iyo Cazorla ayaa ka dhigtay iney Manchester City guuldaro ku gudoonto gurigooda Etihad Stadium, waxeyna ka dhigan tahay iney shan dhibcood ka hooseyaan Chelsea


.

Arsenal waxey fadhisaa booska shaanad iyadoo hal dhibic u jirta kaalinta afaraad oo ay ku jirto kooxda Manchester United.

Manchester City ayaa si qurux badan ku bilaabatay iyadoo marba kubada dhinac geyneysa, iyadoo kaashaneysa Jamaahiirteeda.

Daafaca Arsenal ayaa sameynayay iska caabin wanaagsan, si wadajir ah ayeyna uga hortageen weerarka City, mana ku guuleysan Man City iney qeybta hore hal beegsi oo qatar ah ku sameeyaan goolka.

Olivier Giroud ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Arsenal markii uu daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta madaxeeyay kubad qatar ah, Kompany ayeyna ku dhacday.

Monreal ayaa qalad looga galay xerada ganaaxa daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta, gool ku laad ayaana lagu abalmariyay, Santi Cazorla ayaa usoo istaagay isagaana gool u badalay oo hogaanka u dhiibay Arsenal.

Arsenal ayaa bilowday iney kubada la qeybsato Arsenal inkastoo ay shaqada ugu badan qabanayeenCoquelin iyo Sanchez oo ah labada xidig ee aadka u ciyaaray.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Arsenal, qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay Manchester City ayaana waji kale lasoo baxday.

Jesus Navas ayaa kubad qurux badan laga siiyay geesta midig, ka hor inta uusan kubad culus goolka la beegsan, goolhaye Ospina ayaana iska saaray.

Mar kale kubad hoos galis ah ayaa lasoo galiyay goolka Arsenal, Silva ayaana si qurux badan u xariiftamay, inkastoo daafaca Arsenal ay iska saareen.

Alexis Sanchez ayaa si qurux badan kaga xariiftamay Zabaleta, ka hor inta uusan kubad aan goolka ku aadin la beegsaday goolka Manchester City.

Arsenal ayaa qaaday weerar rogaal celis ah oo jawaab u ah weerararada Man City, Giroud, Sanchez iyo Ramsey ayaana ka qeyb qaatay, inkastoo kubada ugu dambeyntii uu Ramsey hawada mariyay.

Laurent Koscielny ayaa badbaadiyay kubad hadii ay gaarto Aguero iyo Jovetic gool noqon kartay oo uu dhinac midig ka keenay Navas, halis weyn ayeyna galeen Arsenal daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta.

Olivier Giroud ayaa hogaanka u dheereeyay Arsenal daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta markii uu si aan dhib laheyn u madaxeeyay laad xor ah oo ka yimid Alexis Sanchez.

Silva ayaa kubad u qiyaanay Navas oo geesta joogay, balse kubadii uu soo qaaday Mertesacker ayaa iska saaray, Arsenal ayaana muujisay isku xirnaan daafaca ah.

Alexis Sanchez ayaa u dhawaaday inuu hurdo u diro Manchester City daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta markii uu kubad awood leh ku tuuray goolka balse goolhaye Hart ayaa badbaadiyay.

Nacho Monreal ayaa u dhawaaday inuu gool iska dhaliyo markii uu si qaldan u darbeeyay kubad goolhaye Ospina uu is lahaa si qurux badan u qabso.

Jovetic ayaa u dhawaaday inuu neefta kusoo celiyo Manchester City daqiiqadii 79-aad ee ciyaarta markii uu goolka la abaaray kubad ay si qurux badan isku dhaaf-dhaafsadeen, Dzeko, Silva iyo Aguero.

Mathieu Flamini ayaa sameeyay isku day uu Giroud ku dhalin karay gool labaad, balse Kompany ayaa kubadaas ka diiday.

Arsenal aya si qurux badan daqiiqadihii ugu dambeeyay u ciyaartay, waxeyna Manchester City ku suldaartay 2-0, Arsenal ayaana mudo kadib kusoo badisay Magaalada Manchester kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Arsenal haatan waxey fadhisaa booska shanaad iyadoo leh 39-dhibcood, Chelsea ayaana shan dhibcood oo nadiif ah hogaanka uga heysa Manchester City.

Daawo Sawiro Dheeri Ah

arseanl


Kompany

city

Giroud

Sanchez

Contact@afkashacabka.com