Taariikhdii Marxuum Maxamed Axmed Kuluc Iyo Tacsida Madaxda Somaliland U Direen

0
Monday January 19, 2015 - 12:45:00 in by salman abdi
  • Visits: 1842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhdii Marxuum Maxamed Axmed Kuluc Iyo Tacsida Madaxda Somaliland U Direen

    Waxaa magaaladda Hargeysa shalay aas Qaran loogu sameeyay Allaah ha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc oo doraad ku geeriyooday cisbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaaladda Hargeysa shalay aas Qaran loogu sameeyay Allaah ha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc oo doraad ku geeriyooday cisbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa,

waxaana ka soo qayb-gallay aaskiisa dadweyne aad u faro badan kuwaas oo ka kala yimid dhammaan goboladda dalka.

Madaxda ka qayb-gashay aaska waxaa ka mid ah Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha xisbiga kulimiye Muuse Biixi, Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen, gudoomiyaha golaha Guurtidda, siyaasiyiin, xildhibaano iyo Abwaanno iyo qaar ka mid ahaa fanaaniintii Waaberi ee ay muddada dheer fanka ku wada jireen.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo safar shaqo ku maraya gobollada dalka, ayaa Tacsi u diray Marxuum Maxamed Axmed Kuluc, ehelkii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay.


 

 

Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, ayaa Marxuumka ILAAHAY uga baryey inuu janadiisa ka waraabiyo, isagoo Maxruumka ku tilmaamay muwaadin dadka ku guubaabin jiray samaha iyo inay waddankooda jeclaadaan "Waxaan halkan ka tacsiyeynayaa Fanaankeennii iyo hal abuurkeenii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc ee geeriyooday. Waxaan leeyahay Eheladii iyo guud ahaan bulshadaba Alle Samir iyo Imaan ha inaga siiyo. Waxaan Alle uga baryayaa Marxuumka in Illaahay Naxariistiisa ka waraabiyo.”ayuu yidhi Saylici waxaanu intaas ku daray " Wuxuu ahaa Hal abuur ama fannaan aad inoogu qaali ah, wuxuu ahaa Abwaan iyo fannaan muddo 60 sanno ka badan ku soo jiray fanka, maanta wuu inaga baxay, laakiin wacyi galintiisii iyo wax sheegiisii waa wax mar walba inala jooga. Waxaa dhammaanteen inala gudboon inaan u ducayno oo Illaahay u waydiino inuu Jannadii ka waraabiyo”.

Sidoo kale, madaxdii kale ayaa iyaguna ka sheekeeyey taariikhdiisii, waxayna ku sifeeyeen muwaadin afgaaban oo dadku ka nabadgaleen, isla markaana dadka aad u tixgelin jiray "Anigoo ku hadlaya xilkayga Guddoomiyaha, ka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fannaaniinta iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Fannaan Marxuun Maxamed Axmed Kuluc oo maanta oo taariikhdu tahay 17/01/2015 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.Marxuum Maxamed Axmed Kuluc wuxuu door wayn oo aan la qiyaasi karin ka soo qaatay horumarinta fanka iyo dhaqanka Soomaalida, waxaannan Marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan innaga siiyo” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo dhambaal Tacsi ah soo gaadhsiiyey Warbaahinta.

Sidoo kale, Abwaanadda waaweyn ee aaska ka soo qabgalay waxa ka mid ahaa Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Abwaan Aadan Tarabi, Abwaan Xasan Genay, Abwaan Saxardiid Maxamed Jabiye, Fanaanad Sahra Jaamac Axmed, Fanaanad Khadra Daahir Cige, Saynab Cige Maxamed iyo fanaaniin aad u faro badan oo wejiyadooda ka dareemayso murugo xoogan, kuwaas oo sheegay in tiir ka mid ah tiirarkii fanka casriga ah aasaasay uu adduunyada ka haajiray, waxayna umadda Somaaliyeed u soo jeediyeen inay Marxuumka ILAAHAY u waydiiyaan Naxariistiisa ballaadhan.

TAARIIKH NOLOLEEDKIISII MARXUUMKA OO KOOBAN;

Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ku dhashay deegaanka Raydab-khaatumo oo ka tirsan gobolka Togdheer, sanadkii 1935kii, waxbarashadiisii waxa uu ku qaatay Somaliland Wakhtigii uu maamulayay Ingriisku.

Alle ha u naxariistii waxa uu fanka ku soo biiray sanadkii 1948kii isagoo ka mid noqday kooxihii ugu horeeyay ee laga aas aasay Cariga Soomaaliyeed xiligaasi oo ay socotay dabayshii gobonimo doonka .

Waxaanu Marxuumku xiligaasi calanka ka hor qaaday isla markaana Matalay riwaayado iyo heeso lagu wacyigalinayo bulshada inay iska ridaan heeryada gumaystihii ingriiska, kuwaasi oo ilaa maanta la xasuusto.

Marxuum Kuluc wuxuu ka mid noqday kooxdii Walaalaha Hargaysa ee Ka hawlgali jirtay idaacadda Radio Hargaysa, isagoo ka mid ahaa fanaaniintii habeenkii calanka laga taagay fagaaraha beerta xoriyadda ka heesay halkaasi kuna luuqeeyay heeso ay ka mid ahaayeen, "Aan Maalo Hasheena Maanqdeen” oo uu sameeyay Abwaan Saxardiid Maxamamed Jabiye Laxankana uu Saaray Alle Ha u Naxariistee Cabdiilaahi Qarshe.

Marxuum Maxamed Axmed Muddadii uu fanka ku jiray waxa uu ka qayb qaatay riwaayado iyo heeso iskugu jira Wadani, wacyigalin iyo Jacayl. Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ifka Kaga Tagay Xaas iyo Carruur Iskugu jira Wiilal iyo gabdho iyo wixii ay sii dhaleen ay ku dhow yihiin sodomeeyo qof.

Marxuum Kuluc oo illaa waqtigaas ilaa maanta ka mid ahaa hormuudka iyo tiirarka waawayn ee Fanka.

Sidoo kale, Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo taariikh badan ka ururiyey wakhtigii uu fanka soo gallay oo ka hadlay bilowgii fankii marxuun kuluc wuxu yidhi "Xilligan uu Maxamed Axmed ku soo biirayo fanku, waxay ahayd markii uu tisqaadayay Qaraamku ama Heel-looyinkuba oo uu ballaysimay Cabdillaahi Qarshe. Markan uu Cabdillaahi Qarshe curinayo Heellooyinka oo isla markaana loo yaqaannay qaraamku ama Qaraamiguba, waxa socday oo casri ahaa Balwadii oo ka hano-qaadday Gobolka Awdal, calan-sidayaalna ay ka ahaayeen Cabdi-sinimoo iyo Qadiija Ciye Dharaar oo loo yaqaannay Qadiija-balwo. Balwadu waxay curatay 1943kii iyo Banka Geeriyaad oo Cabdi-sinimoo baabuur kula jabay.

Laxankiisii ugu horreeyay wuxu curiyay 1963-kii. Waa heestii ahayd: Markaan Khadar haleelaa, midhaheedana waxa iska lahaa Maxamed Cumar Huryo.

Maalintaa aanu wada joognay wuxu Maxamed Axmed Kuluc iiga sheekeeyay Kooxdii Walaalo Hargeysa ee sababta u ahayd curinta, korinta iyo faafinta fanka Soomaaliyeed. Waa taariikh waxan aynu ka wada hadlaynaa, waxaana fiican in qof waliba inta uu ka og yahay sheego si aynu isugu minguurinno oo hadhow wax saxan oo la taaban karo uga soo saarno.

Maxamed Axmed Kuluc, wuxu aamminsanaa oo uu ii sheegay in fannaaniinta hadba intii fanka ku jirtaa ahayd Walaalo Hargeysa, laakiin ay jireen fanaaniin cayiman oo iyagu ahaa aasaasayaashii kooxdii caan-baxday ee Walaalo Hargeysa. Sida aan Maxamed Axmed, ka soo xiganayo, Kooxdaa Walaalo Hargeysa waxa lagu aasaasay Xaafadda ‘New Hargeysa,’ 1954kii.

Aasaasayaashii Raacii koowaad ee Kooxdii Fanka ee Walaalaha Hargeysa ee Fanka Casriga ahba furay ayaa kala ahaa: Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe), Maxamed Xaaji Ismaaciil (Barkhad-cas), Ismaaciil Sheekh Axmed (Cagaf), Maxamed Axmed Kuluc, Maxamed Faarax (Makaroonne), Cumar Dhuulle Cali, Axmed Shiil, Xasan Cali (Gidhin), Maxamed Cilmi (Baani-yaal), C/llaahi Magaalo-joog-xume, Jeeni-cadde, Xasan Samatar, Faro-jebis, Cabdi Ibraahin, Xuseen Nuur Qaloombi iyo Cali Wacays.

Dhinaca kale, Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan oo hore u ahaan jiray fanaan weyn, isla markaana Riwaayado badan ku wadda jireen marxuumka, hasa-yeeshee imika Sheekh weyn noqday kana mid noqday culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa, ayaa ka waramay aqoonta uu u lahaa ALLE ha u naxariiste Maxamed Axmed Kuluc oo ay fanka ku wada jiri jireen, ka hor intii aanu Sheekh Sooraan ka bixin.

Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan, ayaa Bulshada ugu baaqay inay iska dayaan qaadista iyo dhegaysiga Heesaha oo uu dambi iyo xaaran ku tilmaamay, waxaanu ugu baaqay inay ku dadaalan akhrinta iyo dhegaysiga Quraanka, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay "ALLE ha u naxariiste Marxuum Maxamed Axmed Kuluc,waxa uu ahaa muddooyinkii ugu dambeeyey Xaaji soo xajay, oo waajibaadka Xajka soo gutay, waxa uu ka toobad keenay iskana dhaafay Heesihii iyo fankii uu ku jiri jiray, waxa uu ahaa Addoon ILLAAHAY oo Shanta Wahkti ee Salaaddiisa tukada, isaga oo toobad keenayna xaqii uu u yimid.

"Aniga iyo Maxamed Axmed Kuluc wakhtigii Fanka dhalinyaro-nimo ayaa na qaaday, balsé waanu ka toobad keenay, waxaanan Bulshada uga digayaa khatarta iyo dambiga Heesuhu ay leeyihiin, Heesaha iyo Muusigu waa Xaaran, Nafta iyo Shaydanka ayaana jecel, markaas inaynu nafta xakamo ku xidhno oo aynu u diidno waxa ay jeceshahay iyo waxa uu Shaydaanku la jecel yahay oo ah Naar ayaa wanaagsan, inaynu ku dedaalno akhrinta Quraanka iyo dhegaysigiisa ayaana wacan, oo Ajar iyo Xasaanad aynu ILLAAHAY kaga helaynaa”ayuu yidhi Sheekh Sooraan.



Contact@afkashacabka.com