Madaxwaynaha Uhuru Kenyata Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Hal Mliyan Oo Doollar Ugu Tabarucay Xarun Muslimiintu Leeyihiin

0
Monday January 19, 2015 - 12:54:50 in by salman abdi
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Uhuru Kenyata Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Hal Mliyan Oo Doollar Ugu Tabarucay Xarun Muslimiintu Leeyihiin

    Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa Willaim Rutto, ayaa lacaggaadheysa Hal Milyan oo Lacagta Kenya ah, ku bixiyay dhismaha Madarasado lagu magacaabo HADADO ISLAMIC CENTER (HIC) oo ku taallo galbeedka magaalada Wajeer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa Willaim Rutto, ayaa lacaggaadheysa Hal Milyan oo Lacagta Kenya ah, ku bixiyay dhismaha Madarasado lagu magacaabo HADADO ISLAMIC CENTER (HIC) oo ku taallo galbeedka magaalada Wajeer.


 


Hoggaamiyaha Golaha Aqlabiyadda ee Baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Bare Ducaale ayaa sheegay in min 500 (Shan Boqol oo kun) oo lacagta Kenya ah uu midkiiba bixiyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya.

 

 


Aadan Bare ayaa sidoo kale lacagtaas oo isku geyn aheyd hal Milyan kusoo hor-bandhigay dad-weyne tiro badan iyo Mudanayaal ka tirsan dowladda Kenya oo shalay ka qeyb galay xaflad tabarucaad loogu sameynayay Xarunta Islaamiga ah ee Hadado, isagoona sidoo kale ka codsaday dadka Kenyan-ka ah iney iskaashadaan, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasto oo dhibaato u keeni karo "Waxaan ka codsanayaa dadka Kenyan-ka ah in ay midnimo muujiyaan. Anagu haddii aan nahay Muslimiin waxaan rabaa in aad ogaataan; dowladdu waxey ka turjumeysaa maslaxadda ama danta dadka, waxaaa xubin ka nahay dowladda Madaxweyne Uhuru Kenyatta, haddii aanu nahay xildhibaannada laga soo doortay deegaanadeena waxaan u adeegeynaa danta Muslimiinta mar walba”, ayuu yidhi Mudane Aadan Bare Ducaale, oo hadalkaas jeediyay xili uu soo bandhigaayay lacagta ay madaxda sare ee Kenya oga qeyb qateen dhismaha Madarasadaas.

Hoggaamiyaha golaha tirada badan ee baarlamaanka waddanka Kenya Aadan Bare Ducaale oo ah masuulka saddexaad ee ugu sareeyo wadankaan Kenya, ayaa ku amaanay madaxda Kenya qaabka ay oga qeyb qataan horumarinta xarumaha waxbarashada, isagoona sidoo kale ku dhaliilay hay’adaha inta badan jawaabaha qaldan ka bixiyo lacagaha loo ururiyo xarumaha Islaamiga ah ee ku tilmaamo in lacagahaas lagu taageero ururo argagaxiso.

Dhanka kale, Aadan Bare, ayaa ku dhaliilay dowladda Mareykanka qaabka ay oga soo hor-jeedsatay in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ee (ICC) ay baadhitaano ku sameyso xad-gudubyada ay Israa’iil u geystay dadka Falastiiniyiinta ah, isla markaasna ay u taageertay in Madaxda Kenya lagu Maxkamadeeyo ICC.

Ugu dambeyntii, dowladda Kenya ayaa horay u ballan-qaaday in goballada Muslimiintu ay dagaan ee ku yaallo waddanka Kenya ay ka fulin doonaan Mushaariic horumarineed, si ay oga dhigto xubin ka mid ah siddeeda gobal ee Kenya ay ka kooban tahay.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa hore u xidhay Madarasado badan oo ku yaalay Magaalada Nairobi, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay carbinayeen Islaamiyiinta Magalka adag, laakiin tallaabadan ayaa muujinaysa mid dawladda Kenya ay dib ugu soo celinayso Kalsoonida shacabka Muslimiinta ah ee dalkaasi ku dhaqan. 



Contact@afkashacabka.com