Xaafado Ka Tirsan Degmada Wadajir Ee gobalka Banaadir oo Lagu Soo Qabqabtay Dad iyo Ciidanka oo ilaa xalay ka wada hawlgalo kala duwan

0
Monday January 19, 2015 - 15:21:20 in by Burco Office
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaafado Ka Tirsan Degmada Wadajir Ee gobalka Banaadir oo Lagu Soo Qabqabtay Dad iyo Ciidanka oo ilaa xalay ka wada hawlgalo kala duwan

    Muqdisho(Afkashacabka.com)-Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa howl-gallo ka wada xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaasoo billowday xalay fiidkii socdana illaa xilligan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(Afkashacabka.com)-Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa howl-gallo ka wada xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaasoo billowday xalay fiidkii socdana illaa xilligan.



Baaritaannadan ayaa lagu qabtay sida ay goobjoogayaal saxaafadda kala duwan u sheegeen hub iyo dad looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, inkastoo hay’adaha amniga aysan weli ka hadlin howlgalkaas.

"Xaafadda Buulo-xuubey, gaar ahaan dhismayaasha bangaariyada iyo sidoo kale xaafadaha ku dhow ayaa waxaa xalay laga billlabaay howlgallo lagu baarayo guryaha, waxaana lagu qabqabtay hub iyo dad laga shakiyay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii howlgalladan lagu qabtay oo saaxafadda la hadlay.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in hubka la qabtay ay lahay mid ka mid ah hay’adaha ka howlgala Muqdisho, welina ay mas’uuliyiinta ha’yaddaas u imaan hubkooda.

Ciidammo fara badan ayaa lagu arkayaa goobaha ay baraitaannadu ka socdaan iyadoo loo diiday dadku inay ka baxaan guryahooda, sidoo kalena la diiday inay dadku galaan xaafadaha ay baaritaannadu ka socdaan.

"Dadka oo dhan waa loo diiday inay guryahooda ka baxaan, xaafaddana lama soo geli karo. Qof walba gurigiisa ayuu ku jiraa, baaritaankuna weli wuu socdaa,” ayuu hadalkiisa ku daray goobjoogaha.

Sidoo kale, howlgalka aya si aad ah u saameeyay guud ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka waddada gasha garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo lagu arkayo ciidammo wata gaadiidka dagaalka.

 

Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan billlaabay howlgallo ay ka fulinayaan degmooyinka magaalada Muqdisho, kuwasoo lagu sheegay inay qayb ka yihiin xoojinta amniga magaalada Muqdisho.

Muqdisho/Office

contact@afkashacabka.com