"waxa ku jira deg deg aan ka raali gelinayo dadweynaha, in la wacyi geliyo ayey ahayd Cida Xaq u leh Ku dhawaaqdaa waa Dowlada hoose"maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco

0
Monday January 19, 2015 - 15:29:51 in by Burco Office
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "waxa ku jira deg deg aan ka raali gelinayo dadweynaha, in la wacyi geliyo ayey ahayd Cida Xaq u leh Ku dhawaaqdaa waa Dowlada hoose"maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco

    Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa ka hadlay qaabka cusub ee loo badalay isku socodka wadada wadnaha ah ee caasimada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa ka hadlay qaabka cusub ee loo badalay isku socodka wadada wadnaha ah ee caasimada Hargeysa.


Maayarka caasimada Hargeysa oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu ku sheegay go,aankii lagu badalay isku socodka wadadaas mid lagu deg degay, waxa kale oo uu faah faahin ka bixiyey socdaalada ay caasimada ku imanayaan maayarada kala duwan ee ka kala yimid wadamada dibada.

Maayarka caasimada oo ugu horayntii ka hadlaya qaabka loo badalay isku socodka wadada wadnaha ah ee caasimada Hargeysa ayaa waxa uuu yidhi "Arintaasi waxay ahayd shaqadayadii, arinkana guddida bilicda ayaa lagu soo hadal qaaday waxaana soo jeediyey wasiirka caafimaadka Saleebaan Xaglatoosiye,waxaanay ahayd inaanu anagu farsamo ahaanu eegno waanan ku maqnayn, waxa

ku jira deg deg aan ka raali gelinayo dadweynaha, in la wacyi geliyo ayey ahayd, waana arin dib loo eegayo maxaa khaldamay iyo maxaa soo baxay.” Ayuu yidhi maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco.

Sidoo kale maayar Soltelco waxaa uu sheegay inay arintan fulinteeda lahayd dawlada hoose balse lagu deg degay waxaanu yidhi "waa arin lagu soo jeediyey guddida bilicda soo jeedinteediina way taalaa,laakiin fulinteeda in la wacyi geliyo dadka ayey ahayd cida xaq u leh inay ku dhawaaqdana waxay ahayd dawlada hoose, dadka cabanaya iyo iskaashatooyinka basaskana waanu wada hadlaynaa waanan balansanahay.”

Sidoo kale maayarka caasimadu waxa uu ka hadlay warshada laydhka ee Hargeysa, isaga oo sheegay inaanay ahayn hawl u taala golaha deegaanka balse dawlada dhexe gacanta ku haysay waxaanu yidhi "Warshada laydhka ee Berbera iyo Hargeysa way kala duwan yihiin, warshada Berbera golaha deegaanka ayaa ka bixin jiray dhaqaale waanay ka hadlayeen, laakiin warshada Hargeysa dawlada dhexe ayaa ku shuqul leh iyada ayaana awood u leh inay bixiso.” Ayuu yidhi maayar Soltelco

Ugu danbayntiina maayarka caasimadu waxa uu ka hadlay wax qabadkiisa waxaanu yidhi "Waxaan qabtay umaduna way sheegaysaa dadkuna waa u markhaati, inaan Hargeysa keeno maayar caalamiya ahina waa arin sumcad u ah, Hargeysana waligeed muu iman maayir iyo xoghaye Sweden toona, waxaan keenay sadex maayar sadex kalana way imanayaan haddii la jecel yahay iyo haddii la neceb yahayba way imanayaan maayaradu.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay maayar Soltelco

Cabdirisaaq koronto

Afkashacabka.com

Hargeisa/Office