Taliye Ku Xigeenka Booliska Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Nidaamka Wasiir Waran-cadde U Sameeyay Waddooyinka Caasimada Hargeysa

0
Tuesday January 20, 2015 - 20:47:01 in by Burco Office
  • Visits: 671
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Ku Xigeenka Booliska Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Nidaamka Wasiir Waran-cadde U Sameeyay Waddooyinka Caasimada Hargeysa

    Hargeysa (Afkashacabka) Taliye ku xigeenka Booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan nidaamka cusub ee Wasaaradda Arrimaha gudduhu u samaysay qaabka Gadiidku u maraan Wadooyinka Caasimadd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Afkashacabka) Taliye ku xigeenka Booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan nidaamka cusub ee Wasaaradda Arrimaha gudduhu u samaysay qaabka Gadiidku u maraan Wadooyinka Caasimadda Hargeysa.

Taliye Fooxle oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in nidaamkan cusub ee Wadooyinka loo dejiyay uu wax ka badalay saxmada Gadiidka, waxaanu tilmaamay inay yaraadeen Shilalkii ka dhaci-jiray Caasimadda Hargeysa.Taliye ku xigeenka Booliska oo arrimahaas ka hadlay, waxa uu yidhi "Qaabka maanta loo sameeyay Waddo marista Gadiidka tii hore toban jeer iyo in ka badan-bay ka fiican-yihiin, waxa yaaraday saxmada Gadiidkii aan kala heli-jirin Waddo ay maraan iyo Shilalkii dhici jiray oo yaraaaday ama ku soo koobmay in todobaadkii hal Shil ka dhaco Magaaladda.”

Sareeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed waxa uu sheegay in nidaamkan cusub ee Wadooyinka loo dejiyay ka faa’ido badan-yahay qaabkii ay Gadiidku u mari-jiren Wadooyinka,

waxaanu yidhi "Nabad-gelyaddii dhinaca Gadiidka oo wanaagsanaatay, intaa marka la isku geeyo waxa cad in toban jeer ay ka faa’ido badan tahay sidii hore ee ay Wadadu ahayd. Qorshahaasi wuu wanaagsan yahay waana in la wado oo la hir-geliyo, anagu Ciidan ahaana diyaar-baanu u nahay waanana wadnaa hawshaa.”

cabdirisaaq koronto

Afkashaacbka.com

Hergeisa/Office