Madaxweyne Ku Xigeenka S/Land Saylici Oo Ka Qayb-galay Munaasibad Ay Wasaaradda Beeruhu Lagu Wareegtay Gadiid Cusub

0
Tuesday January 20, 2015 - 20:52:15 in by Burco Office
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka S/Land Saylici Oo Ka Qayb-galay Munaasibad Ay Wasaaradda Beeruhu Lagu Wareegtay Gadiid Cusub

    Hargeysa (Afkashacabka) Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka qayb galay munaasibad Wasaaradda Beeraha Somaliland kula wareegaysay 8 baabuur oo Hay'adda FAO ku wareejisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Afkashacabka) Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka qayb galay munaasibad Wasaaradda Beeraha Somaliland kula wareegaysay 8 baabuur oo Hay'adda FAO ku wareejisay.


Gaadiidkan ayaa ka shaqaynaya Mashruuc waxbarasho oo 102 Goobood lagaga samaynayo Gobolada dalka. Goobahaas oo ay wax ku baranayaan Shaqaalaha Wasaaradda iyo Beeralaydu.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha Somaliland Cabdilaahi Ismaciil Faarax oo arrintaasi sharaxaad ka bixiyay ayaa yidhi "Hadii Aan War-Bixin Aan Kaa Siiyo Mudane Madaxweyne Ku Xigeen Gaadiidkani Waxaa Uu Ka Mid Yahay Barnaamij La Yidhaahdo (Dugsi Goobeedyo Beeraleyda Ah)

Waxaana Barnaamijkaas Naga Caawiyey EU Da Noona Soo Mariysay Haya’ada FAO Oo Sida Aad La Socotaan Wasaarada Beeraha Wada Shaqeen Dhow La Leh Maashariicda Ay La Fulisay Iyo Kuwa Ay Iminka La Wadaaba Aan Kow Iyo Laba Lagu Soo Koobi Karin Aad Baanu Ugu Mahad Celinaynaa Hadayada FAO Iyo EU Da Kuwii Ay Hore Noogu Qabtay Iyo Tan Ay Maanto Lana Wadaba .

Barnaamijkani Waxaa Uu Ka Socdaa Lix Gobal Oo Kala Ah AWDAL,GABILAY,M/Jeex ,SAAXIL,TOGDHEER Oo U Kala Baxaya Daadmadheedh Iyo Burco Barnaamijkaasi Waxaa Uu Ka Kooban Yahay Isla Markaana Ka Shaqeenayaa Shaqaalaha Wasaarad Beeraha

Oo Loo Toobabaray Shaqadaas Sidaad La Socoteen Mudane Madaxwene Ku Xigeen Waxaanu Baryahanba Ku Jirnay Cilmi Daadijintii Ku Xidhnaan Jiray In Wasaarada Beeraha Oo Kaliya Loo Soo Doonto Cilmiga Fidinta Beeraha Ama La Dagaalanka Cayayaanka Ha Noqotee Hawshaas Yada Ah Hoos AYaanu U Daadijinay Waxaana Aanu Gaadhsiinay Heer Gobal ,Heer Degmo Ilaa Heer Beeralay”

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa isna u mahadceliyay Hay’adda FAO iyo Ururka Midawga Yurub oo Mashruucan maalgalinaya "Waxaa ay Hay’adda FAO Iyo Midawga Yurub Ay Gacan Weyn Ka Geesteen Inay inaga Caawiyaan Wax Soo Saarkii Dalka,

Marka Wax Soo Saar Laga Hadlaayo Waa shey Aad Mihiim U Ah Oo Ku Xidhan Aqooon Waan Ilahay Mahadii Mar Hadii Ay Maanta Inaga Caawiyeen Aqoontii OO Ay Fidiyeen Isla Markaana Ay Daadijiyeen Aad Iyo Aad Baanu Uga Mahad Naqeynaa Sidoo Kale Waxaanu Aanu U Mahad Naqeynaa Wasaarada Beeraha Somaliland Oo iyadu Dadaalkan Xooggan Muujisay” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku.


Cabdirisaaq Koronto

Afkashacabka.com

Hargeisa/Office