
Suurad qur'aanka ku jirta oo daawo u ah ilawshiyaha (hilmaamka) cajiib
Ibnu haashim ilahay raali haka noqde aya siiradiisa ku werinaya ( masaajidkii ibnu cabaas aya maalin waxa soo galaywiil dhalin yar ah, dharkiisuna ay wasakh leeyihiin isla markan isla hadlaya oo xaga maskaxda ka jirran( waalan)
dadkii masaajidka joogay aya arkay wiilkan xanuunsanaya ee masaajidka soo galay ka dib dibada ayay u saareen. Inbu cabaas aya sheekadii maqlay oo dadkii ku yidhi muxu aha wiilkani?Waxay ugu jawaaben waa qof xanuunsan oo waalan wuxu sameynaya aan is garanayn.
Saaxiibkii rasuulka (n.n.k.h) oo ibnu cabaas ah aya yidhi iigu yeedha wiilka, marki loo keenay ayuu gacmihiisa madaxii wiilka saaraywaxaanu ku akhriyay suuratu YAASIIN markii uu ku dhameeyay akhriskii ayu ilaahay usoo celiyay caqligiisii xanunkiina ka caafimaaday?Dadkii aya weydiiyay wuxu ku akhriyay ee ilaahay caqliga ugu soo celiyay wiilka?Wuxu ugu jawabay waxan ku akhriyay suuradii rasuulku ku sheegay inay tahay wadnaha quraanka. (suuratu yasin)
Sheekhul islaam ibnu taymiyah ayaa yidhi( hadii waxan doonayo inaan xafido ay igu adkaado xifdigiisu ama markasta aan hilmaamo (xasuusan waayo)faraha ayan ka qaadi jiraywaxaanan soo qaadan jiray kitaabka quraanka waxanan akhrisan jiray suuratu yasiin markan dhameeyo ayan ku noqon jiray wixii igu adkaaday ama aan hilmaamaymarkaan hal mar akhriyo ayan xafidi jiray).In kasta oo quraanku dhamaantii hanuun iyo daawo u yahay dadka muslimka ah ayay hadana suuratu yaasin tahay furaha maskaxda iyo daawada ilawshiyaha.
Ilaahay haynaga dhigo kuwo ay anfacdo if iyo aakhriba .
Suurad qur'aanka ku jirta oo daawo u ah ilawshiyaha (hilmaamka) cajiib
Holland (Afkashacabka) Hilmaamka iyo fahmo xumidu waa xanuun beryahan danbe aad looga cabanayo taas oo aad arkayso qof dhalin yaro ah oo hadana markad wax weydiisokugu odhanaya wan hilmaamsanahay ama si fiican uma xasuusto, markaan sidaa leeyahay uma