Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada oo Xubinimadii Golahaasi iska Casilay iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada oo Xaqiijiyey

0
Wednesday January 21, 2015 - 13:14:06 in by salman abdi
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada oo Xubinimadii Golahaasi iska Casilay iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada oo Xaqiijiyey

    Sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu sheegay, in ay soo gaadhay Qoraalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu sheegay, in ay soo gaadhay Qoraalka

Xildhibaan Khadar Aadan Xuseen (Khadar Ambassador),oo kamid ahaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland,ayaa iska casiley xilkii Xubinimada Golaha Wakiilada Somaliland,taas oo qoraalka iscasilaada oo uu usoo gudbiyay Golaha Wakiilada laga Gudoomay,inkastoo aan la xaqiijin sababta iscasilaada xubinimada Wakiilada ku kaliftey.
 
Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu sheegay, in ay soo gaadhay Qoraalka iscasilaada ee uga yimid Xildhibaan Khadar Aadan Xuseen oo iska casilay Xilka Xubinimadii Golaha Wakiilada taas oo uu carabka ku dhuftey in uu ka aqbaley, islamarkaana ay u gudbin doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

"Way nasoo Gaadhay Waraaqda Iscasilaada Xildhibaan Khadar Ambassador,waananu qabanay Waraaqdaasi waxaananu u gudbin doonaa Komishanka  DoorashooyinkaQaranka,si ay iyagu go,aanka uga qaataan waajibaadkoodana uga gutaan"Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.
 
Majiro faafaahin dheeraad ah oo Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ka bixiyay iscasilaada Xildhibaan Khadar Ambassador iyo sababaha wakhti xaadirkan ku kalifey iscasilaadiisa.
 
Xildhibaan Khadar Aadan Xuseen(Khadar-Ambassador), oo ah Mulkiilaha Huteelka Weyn ee Ambassador islamarkaana, kamid ahaa Mudanayaashii kasoo baxey Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid kana mid ahaa Xidhibaanadii kasoo Qeyb galay Doorashadii Golaha Wakiilada Somaliland ee Sanadkii 2005tii ka dhacdey dalka Xubnihii Xisbiga Ucid ugu soo baxay Doorashadaasi, ayaanay noo suurtagalin in aanu wax ka weydiino, iscasilaadiisa maadaama aanu ku Weynay khadka Telefoonka gacanta,haseyeeshee, kadib markii warkan iscasilaadu soo baxay, waxa jirey sida hadhwanaagnews ku heshay xanshashaqa xubinta buuxinta doonta xubinimada oo kamid ah Xubnihii Xisbiga Ucid ee cod ahaan ugu soo dhawaa. 





Contact@afkashacabka.com