Munaasibad Lagu Xusayay 42-guurada Ka Soo Wareegtay Qorista Afka Somaliga Oo Muqdisho Lagu Qabtay Iyo Madaxwaynaha Somaliya Oo Amaro Cusub Soo Saaray+Sawiro

0
Wednesday January 21, 2015 - 18:28:11 in by salman abdi
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibad Lagu Xusayay 42-guurada Ka Soo Wareegtay Qorista Afka Somaliga Oo Muqdisho Lagu Qabtay Iyo Madaxwaynaha Somaliya Oo Amaro Cusub Soo Saaray+Sawiro

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Madax kale ayaa ka qeyb galay xuska maalinta Afka Soomaaliga la qoray oo ku beegan maanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Madax kale ayaa ka qeyb galay xuska maalinta Afka Soomaaliga la qoray oo ku beegan maanta.
Munaasabada lagu weyneynayay 43-guurada ka soo wareegtay qoriska iyo isticmaalka Afka hooyo waxaa kaloo ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo qiimo ugu fadhida bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay tahay maalinkii ugu horeysay ee uu soo baxo Wargeyska Xidigta Oktoobar oo Afka hooyo ku qoran.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in tahay maalin u baahan in bulshada la fahamsiiyo qiimaha gaarka ah ee ay ummadda u leedahay, isagoo xusay in shacabka looga fadhiyo horumarinta Afka hooyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay maanta oo kale ay shacabka ugu fadhiso qiimo aad u weyn, dowladduna ay dadaal u galeyso sidii shacabka loo bari lahaa muhiimadda maanta oo kale ay u leedahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo maanta aysan xafiisyada dowladda ka soo bixi Karin Warqad ku qoran afka qalaad, si loo horumariyo afka hooyo in waxkasta lagu qoro Af-Soomaali,