Wariye Ka Tirsan Tv Qaranka Somaliland oo lagu Qabtay isaga oo Gabadh ku Dhoofinaya passpor Foljari ah

0
Thursday January 22, 2015 - 13:32:59 in by Burco Office
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Ka Tirsan Tv Qaranka Somaliland oo lagu Qabtay isaga oo Gabadh ku Dhoofinaya passpor Foljari ah

    Ciidamada sirdoonka Somaliland,ayaa illaa hada baadhitaan ku haya haweenay la sheegay in iyada oo lagu dhoofinaayo baasaboor foojari Norweejiyaan(Norwegian) ah lagu qabtay madaarka cigaal ee magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada sirdoonka Somaliland,ayaa illaa hada baadhitaan ku haya haweenay la sheegay in iyada oo lagu dhoofinaayo baasaboor foojari Norweejiyaan(Norwegian) ah lagu qabtay madaarka cigaal ee magaalada Hargeysa.  Ma jiraan illaa hada warar amuurtan la xidhiidha oo si rasmi ah uga soo baxay laamaha ciidanka sirdoonka, balse sida ay ila wareedyo lagu kalsoon yahay aya xaqiijiyeyin gabadhan oo doraad ka dhoofaysay madaarka cigaal ay ciidamada laanta socdaalku ku qabteen baasaboor foojiri ah,

 waxaana la sheegay in baasaboorka foojariga ah ee gabadhan lagu qabtay laga soo saaray shandad uu sitay nin suxufi ah oo ka hawl gala warbahinta gudaha Somaliland lagu magacabo Muniir Axmed Cigaal, iyada oo ay wararkuna tibaaxayaan inuu gadhan u dhoofinaayey dalka Norway, isla mar ahaantaana uu markii hore gabadha u soo damaanad qaaday in uu madaarka Hargeysa uu dhaafin doono ciidamada laanta socdaalka.

Wararku waxa intaas ku darayaan in markii shandada ninkan suxufiga ah laga soo saaray baasaboorkan foojariga ah uu ciidanka laanta socdaalka ee ka hawl gala madaarka Hargeysa la dagaalamay , waxaana ay tani abuurtay tuhuno waaweyn oo sababay in markiiba ay ciidanka sirdoonku arrintan ay gacan ku haynteeda la wareegaan, waxaana haweenaydii baasaboorkan lagu dhoofinaayey lagu xidhay xarunta ciidanka sirdoonka ee magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale waxaa wararka amuurtan la xidhiidha ee aanu helayno ay intaas ku sii darayaan in ciidanka sirdoonka Somaliland ay warbixin ku sheegayaan in ay ka shikiyeen suxufigan warbainta gudaha Somaliland ka hawlga ee magaciisa lagu sheegay Muniir Axmed Cigaal ay u direen masuuliyiinta ka hawl gasha madaarka Adis-ababa oo ka dib markii haweenayda uu dhoofinaayey la xidhay uu u dhoofay, waxaana ay ila wareedyadu noo xaqiijiyeen in hada uu suxufigan Muniir Axmed Cigaal ku xidhan yahay madaarka Adis-ababa iyada oo ciidamada sirdoonka dalkaasina ay su’aalo la xidhiidha arrintan tuhunka abuurtay ay ka waydiinayaan.

contatct@afkahacabka.com