War Deg DEG Ah Amniga Guud ee Muqdisho oo la Adkeeyay iyo Calamada Somaliya iyo Turkiga OO lagu xidhay Wadooyinka

0
Thursday January 22, 2015 - 14:45:43 in by Burco Office
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg DEG Ah Amniga Guud ee Muqdisho oo la Adkeeyay iyo Calamada Somaliya iyo Turkiga OO lagu xidhay Wadooyinka

    Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay maanta; iyadoo wadada garoonka diyaaradaha iyo kuwa ku dhow la dhoobay ciidammo badan oo ka celinaya gaadiidka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay maanta; iyadoo wadada garoonka diyaaradaha iyo kuwa ku dhow la dhoobay ciidammo badan oo ka celinaya gaadiidka.


Baallayaasha larka ee waddooyinka waaweyn, sida tan garoonka iyo midda isku xirta KM-4 iyo madaxtooyada la suray callamada Somalia iyo Turkiga, iyadoo lagu wado in maalinta berri ah uu Muqdisho yimaado madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ay ugu dambeysay sannadkii 2011-kii.

Ciidamada dowladda oo isugu jira kuwa nabadsugidda iyo booliiska ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn, kuwaasoo gadiidka ka celinaya inay si caadi ah u istimcaalaan waddooyinkaas.

Sidoo kale, waddooyinka la dayactiray ee Muqdisho ayaa waxaa ka socda howlo nadaafeed oo xoog ah, taasoo lagu sheegay inay tahay mid bilicda magaalada lagu xoojinayo.

Taliska booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay xoojinta amniga Muqdisho oo noqonaya kii ugu xoogganaa, iyagoo ku sheegay inay tahay mid ammaanka lagu xoojinayo, isla markaana shacabka ugu baaqay inay dulqaataan.

"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay dulqaad muujiyaan inta howlgallada amniga lagu adkeynayo ay ka socdaan caasimadda qaybo ka mid ah,” ayuu Col. Qaasim Axmed Rooble oo ah afhayeenka booliiska Soomaaliya u sheegay warbaahinta.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ganacsatada laga codsanyo inaysan furin goobahooda ganacsiga maalinta berri ah oo Jimco ku aaddan, si qayb ay uga noqdaan dhowrista amniga wafdiga Turkiga ah ee imaanaya.

Ganacsiyada la diiday in la furo ayaa waxaa ka mid ah kuwa garoonka ku dhow iyo kuwa ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee tagta madaxtooyada Somalia. Goobahaas oo ah kuwa ay wafdigan socodka ku mari doonaan.

Si kastaba ha ahatee, madaxweynaha Turkiga iyo wafdigiisa ayaa waxay ka jari doonaan xarigga dhowr goobood oo Turkiga uu dayactir ku sameeyay, sida garoonka diyaaradaha Muqdisho, Isbitaalka Digfeer iyo iskuullo ay ka hirgeliyeen hay’adaha Turkiga Muqdisho.

Muqdisho/Oofice

contact@afkashacabka.com