Faahin Dheeri ah: Weerarkii ka dhacay Hotel SYL oo lagu weeraray wafdi Turki ah OO Ka Horeysay Erdogan

0
Thursday January 22, 2015 - 17:28:24 in by Burco Office
  • Visits: 1130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahin Dheeri ah: Weerarkii ka dhacay Hotel SYL oo lagu weeraray wafdi Turki ah OO Ka Horeysay Erdogan

    Hargeysa(Afkashacabka)Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu weeraray hoteelka SYL oo kasoo horjeeda madaxtooyada Somalia ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu weeraray wafdi Turki ah oo hordhac u ahaa booqashada madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Afkashacabka)Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu weeraray hoteelka SYL oo kasoo horjeeda madaxtooyada Somalia ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu weeraray wafdi Turki ah oo hordhac u ahaa booqashada madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo hoteelkaas deggenaa.


Inta la ogyahay saddex qof oo laba booliis ah ay ku jiraan iyo qofkii weerarka fuliyay ayaa ku geeriyooday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay laba qofna oo kale, waxaana goobta uu ka dhacay qaraxa ay ku sugnaayeen xilligaas dad fara badan oo isugu jiray dad ah shacab iyo askarta dowladda Soomaaliya.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa qoray in hoteelka albaabkiisa uu ku dhacay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse ay badbaadeen wafdigii ka socday Turkiga oo hoteelkaas ku lahaa shir xilliga uu qaraxu dhacayay.

"Hoteelka waxaa deggenaa wafdi Turki ah, wax khasaare ah oo gaarayna ma jirto,” ayuu yiri Faarax Nuur oo ka tirsan saraakiisha booliiska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Cap. Faarax Nuur ayaa intaas ku daray. "Gaarigu wuxuu ku qarxay illinka hore ee hotelka, welina waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo sida uu qaraxan ku dhacay iyo cidda ka dambeysa."

Ma jiro cid ka tirsan wafdiga Turkiga ah oo waxyeello ay kasoo gaartay qaraxan, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Turkiga. mana jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkan ismiidaamint ah.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado inuu berri oo Jimco ah uu booqasho ku tagayo magaalada Muqdisho, taasoo ah mid hal maalin ah, wuxuuna furayaa mashaariic ay hay'adaha Turkigu ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Si kasta oo ay tahay, Hoteelka SYL ee Qaraxa ismiidaaminta ah lala beegsaday ayaa kasoo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa 10-kii bishan Jannaayo lagu qabtay shirkii 53-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda ururka IGAD.











Cabdirisaaq koronto

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu weeraray hoteelka SYL oo kasoo horjeeda madaxtooyada Somalia ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu weeraray wafdi Turki ah oo hordhac u ahaa booqashada madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo hoteelkaas deggenaa.

Inta la ogyahay saddex qof oo laba booliis ah ay ku jiraan iyo qofkii weerarka fuliyay ayaa ku geeriyooday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay laba qofna oo kale, waxaana goobta uu ka dhacay qaraxa ay ku sugnaayeen xilligaas dad fara badan oo isugu jiray dad ah shacab iyo askarta dowladda Soomaaliya.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa qoray in hoteelka albaabkiisa uu ku dhacay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse ay badbaadeen wafdigii ka socday Turkiga oo hoteelkaas ku lahaa shir xilliga uu qaraxu dhacayay.

"Hoteelka waxaa deggenaa wafdi Turki ah, wax khasaare ah oo gaarayna ma jirto,” ayuu yiri Faarax Nuur oo ka tirsan saraakiisha booliiska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Cap. Faarax Nuur ayaa intaas ku daray. "Gaarigu wuxuu ku qarxay illinka hore ee hotelka, welina waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo sida uu qaraxan ku dhacay iyo cidda ka dambeysa."

Ma jiro cid ka tirsan wafdiga Turkiga ah oo waxyeello ay kasoo gaartay qaraxan, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Turkiga. mana jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkan ismiidaamint ah.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado inuu berri oo Jimco ah uu booqasho ku tagayo magaalada Muqdisho, taasoo ah mid hal maalin ah, wuxuuna furayaa mashaariic ay hay'adaha Turkigu ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Si kasta oo ay tahay, Hoteelka SYL ee Qaraxa ismiidaaminta ah lala beegsaday ayaa kasoo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa 10-kii bishan Jannaayo lagu qabtay shirkii 53-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda ururka IGAD.

- See more at: http://hiiraan.com/news/2015/Jan/wararka_maanta22-89860.htm#sthash.atLGczaA.dpuf