socdaalka madaxwaynuhu waxu astaan u yahay horumarka qarankeenu gaadhay

0
Friday January 23, 2015 - 13:47:55 in by salman abdi
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    socdaalka madaxwaynuhu waxu astaan u yahay horumarka qarankeenu gaadhay

    socdaalka madaxwaynuhu waxu astaan u yahay horumarka qarankeenu gaadhay, mashaaciidka dhamatay ee xadhiga Madaxwaynuku ka jaray aya ka badan inta uu dhagax dhigay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

socdaalka madaxwaynuhu waxu astaan u yahay horumarka qarankeenu gaadhay, mashaaciidka dhamatay ee xadhiga Madaxwaynuku ka jaray aya ka badan inta uu dhagax dhigay.


 


 

 


 

Afhayeenka xisbiga kulmiye sweden, Siciid Waraabe

Madaxwaynaha qaranka Somaliland mudane Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud ayaa safar aad loogu hamuun qabay ugu baxay dhamaan gobolada dalka isagoo ka bilaabay dhinaca galbeed. Waa dhaqanka lagu yaqaan madaxwayne hantiyay laabaha dadkiisa oo kalsooni ku qaba dadkiisa , madaxwayne u soo hiloobay inuu dadka uu xukumo ishiisa ku dheehdo tabashadoodana dhagahiisa ku maqlo isaga iyo dadkiisa aan cidina u dhaxayn. Mudo maalmo ka badan ayu madaxwaynu ku gudo jiray hawshaas walina way socotaa. Ujeedada u wayn aya ah xojinta xidhiidhka dadwaynaha iyo dawlada ama hadii aan si kale u dhigno dawladu waxay xilka u haysaa dadkeeda waxanay u adeegtaa danaha umada.Socdaalkan aya ah mid aan noocisa oo kale la arag marka la eego sida milgaha iyo maamuuska leh ee bulshada reer somaliland ku soo dhawaynayeen maxadwaynahooda qaaliga ee aadka ay u jeclyihiin, wajiyada dadka ayaa intay farxadi iyo raynraynti ka badatay indhahooda ilmo ka tiixaysay. Wanaagi iyo wax qabadkii ay dawladu dadkeeda tustay, daacadnimadi iyo xilkasnimadi ay ku hogaamisay ayaa keentay inay umadu meelkasta laab furan , waji furan iyo gacmo furanba ay ku soo dhaweeyan madaxwaynahooda.Bilaaya sheeg warkii waa ba ay, bulshaduna way baratay , beelo beelona haatan lagaba bax .waxa inoo balana bulshoyahay halkaas iyo inaynu ka sii wadno wanageena , nacasyadana dhagaha ka furaysta

alahayaw dadkayaga iyo dalkayagaba

noo barwaaqee, dadkana noo barakee AAMIIN