
Shirkad ka shaqaysa Horumarinta Fanka oo 5 Fannaan oo ka mid ah Xiddigaha Geeska fursad siisay , lana Geyn Doono Astralia
Fursadani waxay u Sahlaysaa Shantan Fanaan ee Somalida Ah inay Helaan Ama La Siiyo Cardka Caalamiga ah ee Aqoonsiga Fanaanimo Kaasi oo guud ahaan fanaaniinta la siiyay ee ka soo jeeda Qaarada Africa Tiradoodu Dhantahay 43 fanaan, Waana Markii Ugu Horaysay ee fanaaniin Somali ahi ay Ka MidNoqdaan dalada caalamiga ah ee kulmisa fanka iyo fanaaniinta Qaarada Afrika.
Sida Warbixinta Lagu sheegayna. Kala Xulashada Fanaaniinta Tirada Badan ee Kooxda Xidigaha geeska oo intooda badan aan kala dhicin islamarkaana bulshada somalidu Ay heesahooda Dhagaystaan, ayaa waxa ka mida
01.Maxamed Siciid Cabdi (Bk)
02.Nimcaan cabdiraxmaan xasan (Hilaac)
03.Yurub Mohamed Cabdi (Geenyo)
04.Khadra Cabdi Sinimo
05.Maxamed axmed Bakaal (Ciro)
Fanaaniinta Xiddigaha Geeska Oo muddo kooban jiray ayaa durba ka dhex muuqday bahda fanka, waxaana loo tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu wanaagsan Geeska Afrika.
Balse Su,aasha Is waydiinta Mudan ayaa Ah. Arintani Ma ku keeni kartaa Kooxda Xidigaha geeska khilaaf maadaama ay ka maqanyihiin fanaaniin caan ah oo ka mid ah kooxda xidigaha geeska.
Halkan ka eeg sida ay u kala sarreeyaan iyo dhibcaha ay kala heleen shanta Fanaan
![]() |
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com
Shirkad ka shaqaysa Horumarinta Fanka oo 5 Fannaan oo ka mid ah Xiddigaha Geeska fursad siisay , lana Geyn Doono Astralia
Shirkad Laga Leeyahay Dalka Australia oo ka shaqaysa horumarinta fanka wadamada dunida sadexaad Ayaa Xog Ururin Ay Samaysay Kadib Waxay sheegtay in ay Siinayaan Fursad lagu Horumarinayo fankooda 5 fanaan