Inta la ogyahay hal qof oo dhallinyaro ah ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay ka dib markii ciidamada booliska oo waday hawlgal ammaan ay rasaas ku rideen dhallinyaro ay doonayeen inay qab-qabtaan Makhribkii shalay.
Qofka dhintay ayaa lagu sheegay Wiil dhallinyaro ah, halka ka dhaawacmayna yahay dhallinyaro, waxaana falkaasi ka dhashay weerar ciidamada boolisku ku qaadeen dhallinyaro ku ciyaareysay garoon kubadeed oo ku yaalla gudaha Iskuulka Maxamuud Axmed Cali ee degmada Maxamuud Haybe, kuwaasi oo ay ku jireen dhallinyarada habeenkii rabshadaha sameeya isla-markaana la doonayey in la qabto. Hasa-yeeshee dhallinyarada oo dhagax kala hor-tagey ayaa boolisku rasaas kaga jawaabay, waxaana taasi keentay dhimashada Wiilka dhallinyarada ah iyo dhaawac ka kale.
Dhimashada iyo dhaawacaasi, ayaa waxa ka gadooday dadweynaha degmadaasi, kuwaasi oo isku soo bax ballaadhan ka dhigay jidka loo maro Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, rabshadahaasi oo xanibay isku socodka gaadiidka waddadaasi isticmaalla.
Rabshadaha ka dhashay toogashada ciidamada boolisku ku dileen wiilka dhallinyarada ah oo socday ilaa fiidnimadii xalay, ayaa waxa ka hadlay afhayeenka ciidamada booliska ee Somaliland, Gaashaanle Cabdillaahi Xasan Faarax, waxaanu xaqiijiyey geerida wiilka dhallinyarada ah ee ciidamadu toogteen iyo dhaawaca hal qof, waxaanu sheegay in arrintaasi ku timid is-difaac ciidanku ka galay weerar dhagax loo adeegsaday oo dhallinyaradu kala hor-tagtey ciidamada.
Afhayeenka ayaa isaga oo sharaxaya sida wax u dhaceen yidhi "Ciidamada booliska oo wada hawl-gal wareeg ah oo ay ammaanka ku sugayaan ayaa waxay arkeen buuq ka taagan garoonka kubadda cagta ee Dugsiga Maxamuud Axmed Cali, oo ay joogto koox la yidhaahdo Hormood oo isku sheega inay ciyaartoy yihiin, laakiin rabshadaha sameeya, wayna ku leexdeen oo albaabka ayay uga galeen si ay buuqaasi u ogaadaan, laakiin ciidanka waxa lagu soo qaaday weerar waxaana la gaadhsiiyey khasaare, waxaana ciidanka laga jajabiyey baabuurtii markii ay kooxdaasi mid ka mid ah qabteen”
Afhayeenka ayaa intaasi raaciyey isaga oo faahfaahinaya waxa keenay toogashada wiilka dhintay "Gaadhi ka mid ah gaadiidkii ciidanku watay ayaa markaa ka dib saldhigga u qaaday ninkii laga qabtey dhallinyarada, dabadeedna gaadhigii halkaa ku hadhay ayaa weerar kale lagu soo qaaday, waxayna isku dayeen inay ka qaadaan hubka, markaas ayuu ciidanku bilaabay is difaac, rasaastii ay rideenna waxay la kulantay marxuumkaa dhintay oo ka mid ahaa kooxda Hormood ee Magaalada dhexdeeda ay kooxaha kale isku dilaan”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey "Markii intaasi dhacday dhallinyaradu way isa soo urursadeen, waxay taayiro ku gubeen waddooyinka, wayna gooyeen, waxayna gacanta mariyeen meheradaha qaarkood, ciidanka booliskana dhaawacyo ayaa soo gaadhay”
Gaashaanle Cabdillaahi, waxa kale oo uu sheegay in ciidanku qabtay ilaa shan dhallinyaro ah oo kooxdaasi ka mid ah "Ciidanku waxay qabteen shan dhallinyaro ah oo ka mid ah hoggaamiyayaashii kooxdaasi”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey inay maqleen qof dhaawacmay "Qofkaa dhaawacmay waanu maqalley, laakiin Cisbitaallada iskamuu daweyn, malaha kooxaha ayuu ka mid ahaa oo wuu dhuuntay”
Dhanka kale, Taliska ciidamada booliska iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa ilaa xalay arrintan kaga shirayey xarunta wasaaraddaasi.
Contact@afkashacabka.com
Booliska Oo Ka Hadlay Dhimashada Wiil Dhallinyaro Ah Oo Gacantooda Ku Baxay
Inta la ogyahay hal qof oo dhallinyaro ah ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay ka dib markii ciidamada booliska oo waday hawlgal ammaan ay rasaas ku rideen dhallinyaro ay doonayeen inay qab-qabtaan Makhribkii shalay.