"Waxaan soo dhaweynayaa fikirka cusub ee kooxda Boko Haram lagula dagaalamayo" Banki moon

0
Sunday February 01, 2015 - 18:33:22 in by salman abdi
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan soo dhaweynayaa fikirka cusub ee kooxda Boko Haram lagula dagaalamayo" Banki moon

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Sabtidii shalay ahayd ka sheegay Addis Ababa inuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Sabtidii shalay ahayd ka sheegay Addis Ababa inuu

 soo dhaweynayo qorshaha Midowga Afrika ee ku aaddan la dagaalanka kooxda Boko Haram.

Midowga Afirka ayaa u qoondeeyay ciidammo gaadhaya 7,500-askari oo ka kala imanaya galbeedka Afrika oo ay ku jirto Nigeria, kuwaasoo dagaal la geli doono Boko Haram oo weeraradeeda ku ballaadhisay dalal cusub oo ku yaalla Galbeedka Afrika.

 

 

 

Ban_Ki_Moon_Addis_Ababa_Ethiopia

"Waxaan soo dhaweynayaa fikirka cusub ee Midowga Afirka, kaasoo kooxda Boko Haram lagula dagaalamayo, laguna diyaarinayo ciidammo weerarrada kooxdan ka hortaga oo ka imaanaya dalalka gobolka,” ayuu yidhi Ki-Moon oo wariyeyaasha la hadlayay.

Ki-Moon ayaa intaas ku daray. "Waxaan kaloo soo dhaweynayaa go’aanka Midowga Afrika ee ku aaddan inaan wada-xaajood lala gelin Boko Haram oo caado ka dhigatay inay dhibaatooyin argagaxiso ka geysato gobolka.”
Sidoo kale, xoghayaha guud ee QM ayaa xusay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay taageero buuxda ku siiso howlgalkan dalalka ku yaalla Galbeeddka Afrika, si Boko Haram loo boqno-gooyo.
Ban Ki-Moon wuxuu intaas ku daray in xalka aan lagu raadin keliya awood milateri, balse la raadinayo habab kale oo lagu helo xal looga taqalusi karo kooxdan argagaxisada ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Waa inuu jiraa taxadar aad u qoto-dheer oo arrintan ku saabsan, waayo ar-gagaxisada iyo xajirnimadu waa kuwo si dhaqso badan ku faafi kara,” ayuu ku daray hadalkiisa Ban Ki-Moon.

Ugu yaraan 13,000 oo qof ayaa lagu dilay dagaallada kooxda Boko Haram ay ka wadday dalka Nigeria tan iyo sannadkii 2009-kii, waxaana sidoo kale ay colaadan barakiciyeen dad ka badan hal milyan oo qof. Iyadoo kooxdu ay ka afduubatay Waqooyiga Nigeria 276 gabdhood oo arday ah sannadkii hore.

Ugu dambeyn, tallaabada ku aaddan la dagaalanka Boko Haram ee Midowga Afrika ayaa ku timid, kaddib markii kooxdan ay dagaalladeeda ku baahisay inta badan dalalka dariska la ah Nigeria, sida Cameroon, Chad iyo Niger. 



Contact@afkashacabka.com