Duqaymo Cirka Ah Oo Lagu Qaaday Xarumaha Al-shabaab.

0
Sunday February 01, 2015 - 22:39:16 in by salman abdi
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqaymo Cirka Ah Oo Lagu Qaaday Xarumaha Al-shabaab.

    Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in Al-Shabaab khasaare xoogan uu ka soo gaaray duqeymo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Tuulo ka tirsan deegaanka Toora-Toorow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in Al-Shabaab khasaare xoogan uu ka soo gaaray duqeymo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Tuulo ka tirsan deegaanka Toora-Toorow.


C/qaadir Siidii oo caawa la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ilaa saddex gantaalo lala bartilmaameedsaday xero Milateri, Guri iyo baabuur kolonyo aheyd Tuulo lagu magacaabo Dugulle oo ka tirsan deegaanka Toora-Toorow.

"Tuulo lagu magacaabo Dugulle oo galbeedka ka xigta Tuura-Toowor ayaa duqeymaha ka dhaceen ilaa saddex gantaal ayaa waxay ku kala dhaceen Dugsi Tababar, Guri ay degenaayeen ragga ajaaniibta ah iyo baabuur tikniko aheyd”ayuu yiri C/qaadir Siidii oo intaa ku daray in ilaa 45 ka tirsan dagaalyahanada Shabaab ay ku dhinteen weerarka duqeymaha.

Mr Siidii ayaa tilmaamay in duqeyntan ay qeyb ka tahay howl galka Badweynta Hindiya, waxaana uu xusay in qawadaha shisheeye sida Gaashaanbuurta NATO oo Mareykanka qeyb ka tahay ay howl galada duqeymaha cirka ah fuliyaan.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Tuuladan ay aheyd meel istiraatiiji ah oo aan xilliyada Gu’a iyo Jiilaalka ay biyuhu ceegaagaan, isla markaana ay ku yaalaan dhul beereedyo, isagoo intaa ku daray saraakiishii ugu badneyn Al-Shabaab ka tirsan ay isugu tageen.

Waxaa uu xusay in weerarka duqeynta uu ku soo beegmay, xilli shalay tababar loo soo gaba gabeeyay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, isla markana ay duqeyntu bilaabatay xilli ay qadeynayeen sida uu hadalka u dhigay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, hase ahaatee qoraal lagu daabacay boggaha Internet ayaa lagu sheegay in duqeymo ay diyaarado dagaal ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolada Bay iyo Sh/Hoose.

Contact@afkashacabka.com