Maamulka Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Kulan Lagu Xoojinayo Nabad Galyada Caasimada La Yeeshay Guddida Nabad Galyada Ee Caasimada

0
Sunday February 01, 2015 - 22:46:17 in by salman abdi
  • Visits: 951
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Kulan Lagu Xoojinayo Nabad Galyada Caasimada La Yeeshay Guddida Nabad Galyada Ee Caasimada

    Guddida nabadgalyada caasimadda oo dhaliil usoo jeediyey taliyeyaasha saldhigyadda oo dhayalsada marka warbixin amnig ah loo soo gudbiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida nabadgalyada caasimadda oo dhaliil usoo jeediyey taliyeyaasha saldhigyadda oo dhayalsada marka warbixin amnig ah loo soo gudbiyo

Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa kulan lagu xoojiyo amniga magaaladda u sameeyey guddiyada nabadgalyadda ee caasimadda, kuwaas ka wada hadlay sidii amniga loo adkeyn lahaa, isla markaana ciyaalka rabshadaha kadhiga wax looga qaban lahaa.

Kulan uu hogaaminayey maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdi Casiis Maxamuud Xaashi, isla markaana uu soo abaabulay Agaasimaha waaxda Nabadgalyadda Cabdiqaadir Cumar Xaashi ayaa waxa ka soo qaybgallay xildhibaano iyo guddida nabadgalyadda degmooyinka caasimadda Hargeysa, kaas oo ka qabsoomay hoolka dawladda hoose ee Hargeysa.


Guddida Nabadgalyadd ayaa sheegay in masiibadda ugu weyn ee caasimadda ka jirta ay tahay ciyaalka rabshadaha ka dhigaya magaaladda, kuwaas oo sheegay in saldhigyadda xaafaduhu marka la soo wargaliyo aanay waxba ka qabanayn taasina ay keentay cabsi weyni soo waajahdo dadweynaha ku dhaqan magaladda.

 

Ugu horeyn Agaasimaha waaxda Nabadgalyadda iyo amniga Dawladda Hoose ee Caasimadda Cabdiqaadir Cumar Xaashi ayaa sheegay in kulankan ka soo bilaabmay degmooyinka iyo xaafadaha dhexdeedda, isla markaana laga wada hadlayo qaabkii loo wada ilaalin lahaa amniga caasimadda iyo nabadgalyadda.

Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo arrintaasi ka hadlaya ayaa hadalkiisa ku bilaabay"shirkeenan maanta inoo qabsoomay oo ahaa mid muddo soo socday oo ka soo bilaabmay degmooyinka xaafadaha, taas oo aynu kaga hadlaynay amniga iyo nabadgalyada caasimada taas oo balankeenu ahaa inaynu inagoo isku dhan isku nimaadno, ujeeda aynu ka hadlayna waa ujeedada magaceeda iyo xilkeeda xambaarsanahay ee waaxda nabadgalyada iyo amaanka, waxaanu maayar ku xigenku inagala hadli doonaa arrimaha ina khuseeyo, Caasimadda Hargeysa waxay ku santandahay inay tahay magaalo madaxyadda aduunka ugu amniga badan, sidaa darteed waa in sii xoojisaan, waxaanay kulimadani ka bilaabmeen xaafadaha iyo degmooyinka, waana waa mid balaadhan oo degmooyinnkii oodhani iskugu yimaadeen waana mid mar walba la iskugu iman lahaa”.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyeyaasha degmooyinka caasimadda u xil saaran nabadgalyadda, waxaana ugu horeyn nabadgalyada degmadda Gacan libaax ka warbixiyey gudoomiyaha degmadaasi, waxaanu yidhi "haddii aanu nahay guddida nabadgalyadda ee caasimadda waxaanu heegan u nahay in aanu ilaaino nabadgalyadda caasimadda, dhibta noogu weyni ee Caasimada haysta waa la wada ogyahay waa ciyaalkaasi, taas ciyaalka waxaan odhan lahaa ciyaalkaasi ha la qabqabto,soomaalidu kal cabsoote leedahay ee kal baqda ma leh”.

Gudoomiye ku xigeenka Guddida Nabadgalyadda lix iyo labaatanka Juun Khadra Cabdi ayaa iyaduna tidhi "waxaynu iskugu nimid inaynu ka hadalno nabdgalyada caasimada, awal ba waynu soo wada shaqayn jirnay ee aynu sii xoojino, ciyaalkaasi ina dawakhiyey anagu waxanu ka liidana xaga saldhigayda oo telefoonka nagama qabtaan kii aanu la hadalna ee ciyaalka u sheegno saldhigyadd waxay ku odhanayaan ha is laayaan marka ay is laayaan ayaanu u iman, waxaan idinka codasanay in jananka kala hadashaan in saldhigyaddii nala shaqeeyaan haddii ay nala shaqayn waayaan saldhigyadu anagu waxba ma qaban karno, marka waxaan doonayna in taliyaha qaybta la hadashaan in sladhiga Goljano oo albaabadu u xidhan yihiin ciidan na loo keeno”

"Maanta waxa inoo soo baxay cadow xaafadeheenii iyo mid kula dhashay, hooyooyin badan ku goblameen oo inantooddii yarayd dhaafeen inan yar oo jaarkooda ah, waxa dhacday in hooyo socota oo soo daashay ay ku soo baxday meel garoon ah oo ciyaalkaasi joogaan, intay bakhtiiyaa nasiib ay sameeyeen oo ay ku qoran tahay dil, kubsi, xambaar, lacag ka qaadis iyo wax noocaas ah u eegeen ayey yidhaahdeen waxa usoo baxday islaantan inay na xambaarto, islaantii baa xambaari kari wayday nin sodan jir ah, markii dambe intay iyagu xambaareen ayey Tiin ku dhex rideen iyadoo Afkana madaxa kaga dhufteen o ilihii ka daateen, halkaasi ayey amnigii marayaaa, aniga lafteedda ayaa cabsooday inanka war ka keeno haddii aan talaabo laga qaadeen aniga halis galaya, habeen dambe anigay faashka igula soo galayaan, taas wa maamul xumo xaga ciidamada amniga ka sugan, maanta waanu ku hambalyeynayaa talabadaasi la qaaddo anaga qorana inta qof ee dambiilayaasha ah guddida nabadgalyada ayaa haysa”ayuu yidhi xubin u hadlaysay Degmadda Axmed Dhagax.

Intaas ka diba waxa soo xidhay maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamuud Xaashi oo u ballanqaaday inuu la kulansiin doonno taliyeyaasha saldhigyadda si marka arrimo nabadda wax yeelaysa la kulmaan ugu soo gudbin lahaayeen taliyeyaasha saldhigyadda, kuwaas oo iyaga kula talin doonaa inay ixtiraamaan kaadhadhka guddidan ee nabadgalyadda ka shaqaysa.

Maayar ku xigeeenka oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidh"haddii aanu nahay golihii deegaanka caasimada waxaanu isku xidhayna idinka iyo saldhigyadda booliska, haddii aad ka cabateen waan idinka gudoonay cabashadiina , waxaana tihiin qayb muhiim ahoo isku xidhaysa dadweynaha iyo xukuumadda,waxaad dadka kaga duwan tihiin kaadhka aad sitaan (kaadhadhka guddida nabadgalyadda xaafadaha), waxaanu idinka balanqaadayaa in kaadhka gudidda marka aad la tagtaan saldhigyada inay idin ixtiraami doonaan, waxa kale oo aan idnka ballanqaadaya in shirkani aanu noqonayn shirkii ugu dambeeyey anagoo u yeedhi doona taliyeyaasha saldhigyadda, waana ku wada hadlaysaan, taliyuhu wuxu arki doonaa gudoomiyeyaasha iyo gudomiye ku xigeenadda degmooyinka nabadgalyada, idinka xogogaal u ah inanka xun iyo ka fiican idinka bulshaddii matala guddidii nabadgalyad ayaad tihiin, waa inaad aamintaan inaad amniga caasimadu idinku xidhan tahay wa inaad si fiiro dheer ugu ahaataan”


Contact@afkashacabka.com