Maalgalinta Dekkedda Berbera oo ay Shirkado Kala Duwani Tartan ugu jiraan iyo wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga oo ka hadlay

0
Sunday March 23, 2014 - 19:54:04 in by Super Admin
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalgalinta Dekkedda Berbera oo ay Shirkado Kala Duwani Tartan ugu jiraan iyo wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga oo ka hadlay

    Shirkado kala duwan oo caalami ah, ayaa tartan xooggan ugu jira sidii ay maalgeshi ugu samayn lahaayeen Dekedda magaalada Berbera oo kaalin weyn ku leh dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkado kala duwan oo caalami ah, ayaa tartan xooggan ugu jira sidii ay maalgeshi ugu samayn lahaayeen Dekedda magaalada Berbera oo kaalin weyn ku leh dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.


Sida lagu baahiyey shabakadda wararka afka Ingiriisada ku qorta ee Somaliland Sun, shirkado kala duwan ayaa tartan ugu jira sidii ay fursan ugu heli lahaayeen inay maalgashi caalami ah ku sameeyeen Dekedda Berbera, iyadoo dawladda Somaliland xilligan wadahadal arrintaas ku saabsan kula jirta shirkad Faransiis ah oo la yidhaa Bollore.

 

 

"Dawladda Somaliland waxay heshiis is-faham guud oo la xidhiidha maalgashiga dekedda Berbera la gashay shirkadda Bollore African Logistics, iyadoo la isla qaatay in ilaa 31 March ee sannadkan heshiis lagu kala saxeexdo… Haddii aannu shirkaddaas wax heshiis ah isla gaadhi weyno ilaa dhammaadka bishan, dawladdu waxay ka fiirsanaysaa sidii qandaraas caalami ah loo furi lahaa si ciddii maalgashiga Dekedda Berbera doonaysaa codsigeeda u soo gudbiso.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo SLNTV waraysi siiyey toddobaadkii hore.

 

 

Haseyeeshee, Wasiirku ma xaqiijin inay jiraan shirkado kale oo ku hawlan sidii ay maalgashi ugu samayn lahaayeen dekedda Berbera, balse ilo-wareedyo kala duwan, ayaa xaqiijiyey inay shirkado kala duwan xiisaynayaan maalgashiga dekedda, kuwaasoo ay ka mid yihiin Ssirkad laga leeyahay dalka Philippines (Filibiin) oo la yidhaa Container Terminal Services Inc (ICTSI), taasoo maalgashi ku samaysay dekeddo kala duwan oo ay ka mid tahay dekedda dalka Sudan iyo ilaa 19 dal oo ay hawlo maalgashi ka waddo.

 

 

Waxa kale oo xoguhu sheegeen, inay jiraan shirkaddu laga leeyahay qaaradda Yurub iyo Bariga Dhexe oo doonaya inay dawladda Somaliland la saxeexdaan maalgashiga dekedda Berbera, kuwaasoo ka faa’iidaysan kara qandaraaska Wasiirka Ganacsigu sheegay in loo furi doono maalgelinta dekedda haddii lagu guuldarraysto in heshiis rasmi ah lala saxeexdo shirkadda Faransiiska ah ee Bollore African Logistics.

 

 

 

Source: Jamhuuriya